Shakiga ku gadaaman dhaawaca hogaamiyaha cusub iyo xaqiijinta safiirka Iiraan ee Qubrus

by Heemaal
1 minutes read

Hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray intii lagu guda jiray weerarro cirka ah oo dhacay bilowgii dagaalka u dhexeeya Iran, Israel iyo United States. Wararkan waxaa baahiyay warbaahinta caalamiga ah iyo ilo diblomaasiyadeed oo kala duwan.

Markii weerarro cirka ah oo lagu qaaday caasimadda Tehran ay sababeen dhimashada hoggaamiyihii sare ee dalka, Ali Khamenei, oo lagu tilmaamay mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee siyaasadda Bariga Dhexe sannadkan, ayaa waxaa sidoo kale dhaawacmay wiilkiisa Mojtaba Khamenei, kaas oo markii dambe loo doortay hoggaamiyaha cusub ee dalka.

Safiirka Iran u fadhiya Cyprus, Alireza Salarian, ayaa xaqiijiyay in hoggaamiyaha cusub uu dhaawacmay. Wuxuu sheegay in dhaawacyadu ay gaareen lugaha iyo gacmaha, isla markaana ay suuragal tahay inuu weli ku jiro isbitaal ama goob ammaan ah

Wararka kasoo baxaya ilo ku dhow dowladda Iran ayaa sheegaya in dhaawaca Mojtaba Khamenei uu ahaa mid fudud, isla markaana uusan ka hor istaagin inuu sii wato hoggaaminta dalka. Si kastaba ha ahaatee, weli lama arag isaga oo ka soo  muuqday warbaahin, ama la hadlay dadweynaha sid dadban (Muuqaal uu iska soo duubo) iyo si toos ahba, tan iyo markii la magacaabay.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in maqnaanshihiisu ay sabab u tahay sababo amni. Waxaa la rumeysan yahay in Iran ay qaadday tallaabooyin adag oo lagu ilaalinayo hoggaamiyaha cusub si looga hortago weerarro kale oo suurtagal ah.

Dhimashada Ali Khamenei iyo dhaawaca ku dhacay hoggaamiyaha cusub ayaa si weyn u beddelay xaaladda siyaasadeed ee Iran. Qaar badan oo ka mid ah khubarada ayaa sheegaya in arrintani ay dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni oo gudaha dalka ah.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.