Iran Oo si Adag u Beenisay Hadal kasoo Yeeray Madaxwayne Trump

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa hadda beenisay hadalkii uu saacado ka hor warbaahinta la wadaagay Trump oo sheegay wadahadallo u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan ay berri ka furmayaan magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan,Esmaeil Baghaei uu si cad u sheegay in aysan jirin wax wada-hadallo ah oo u qorsheysan Iiraan iyo Mareykanka maalmaha soo socda, sida ay baahisay Al Jazeera.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in wafdiga Iiraan ee toddobaadkan booqanaya magaalada Dooxa, uusan la kulmi doonin wax masuuliyiin Mareykan ah.