Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku eedeeey MW Xasan Sheikh talaabooyinka burburinta & qoritaanka maleeshiyada ee laga wado gudaha Puntland, waxayna sheegeen in ficiladaas ay muujinayaan sida hubkii Qaranka, dhaqaalihii & Hay’addaha dowladda loogu isticmaalo kala irdheynta Soomaaliyadii isku raacsanayd nidaamka Faderaalka.
“Goluhu wuxuu si gaar ah u cambaaraynayaa abaabulka maleeshiyaadka iyo xiisadaha amni ee laga hurinayo Dowlad Goboleedka Puntland, kuwaas oo uu ka danbeeyo maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh, loogana gol leeyahay burburinta nidaamka, fashilinta dagaalka Argagixisada & hagardaameynta dowladnimada dalka”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka golaha Mustaqbalka.


