Madaxda Taliban iyo Mucaaradkooda Afganistan Oo ku Kulmay Aaska Khamenei.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Munaasabadda aaska Hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Cali Khamenei, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Taliban iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal ka tirsan mucaaradka Afghanistan.

Warbaahinta Iiraan ayaa baahisay sawirro muujinaya Axmad Massoud, hoggaamiyaha Jabhadda Iska-caabbinta Qaranka Afghanistan, iyo Maxammad Mohaqiq, hoggaamiyaha Xisbiga Midnimada Islaamiga ah ee Shacabka Afghanistan, iyagoo u wda tacsiyaynaya Cali Khamenei iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

Sidoo kale, wafdi ka socday dowladda Taliban oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Abdul Ghani Baradar Akhund, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amir Khan Muttaqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda, iyagoo booqday masaajidka lagu qabtay tacsida ee magaalada Tehran.

Madaxda Taliban iyo mucaaradkooda oo isku mar ka soo muuqday aaska Cali Khamenei ee Tehran ayaa noqotay dhacdo si weyn loo hadal hayo, maadaama labada dhinac ay muddo dheer uu u dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed iyo mid militari.