Puntland Oo Shirkadaha Turkey Uga Digay Inay ka kaluumaystan Xeebaha Somaliya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maamulka Puntland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan maamulka, ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dhulka iyo badda Puntland, isagoo adkeeyay in aan wax hawlgal, maalgashi ama heshiis ah laga fulin karin deegaannada Puntland iyada oo aan oggolaansho rasmi ah laga helin hay’adaha maamulka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shirkad kasta, ha noqoto mid shisheeye ama mid maxalli ah, oo ay ku jirto shirkadda SOMTURK, aysan ka fulin karin badda ama dhulka Puntland wax hawlo ah oo la xiriira maalgashiga kalluumeysiga, ilaalinta xeebaha ama adeegyo kale, haddii aysan marka hore fasax ka helin hay’adaha ay khusayso ee Puntland.

Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan sharci ahaan awood u lahayn inay bixiyaan heshiisyo, rukhsado ama tanaasulaad la xiriira kheyraadka ku jira dhulka iyo badda Puntland. Maamulka ayaa ku dooday in arrimaha la xiriira maamulka kheyraadka dabiiciga ah lagu saleeyo qodobada Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya iyo Dastuurka Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale uga digtay shirkadaha, hay’adaha iyo cid kasta oo qorsheynaysa inay ka hawlgasho dhulkeeda ama baddeeda iyada oo aan haysan oggolaansho rasmi ah, inay la kulmi doonaan tallaabooyin sharci iyo kuwo kormeer oo waafaqsan dastuurka iyo sharciyada ka jira Puntland.

War-saxaafadeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha la xiriira maamulka kheyraadka dabiiciga ah iyo awoodaha u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.