Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo ka hadlay sababtii uu ciyaarta ugu soo celiyey laacibka xulkiisa u ciyaara ee Folarin Balogun ayaa sheegay in uu ciyaarta daawaday ka dibna uu arkay labada ciyaartoy oo is jiidhay balse aan wax qalad ah lagu gelin ciyaartooyga Belgium-ka.
Trump waxa uu ku dooday in wixii uu daaway aanay u qalmin in casaan lagu qaato taa darteedna uu la hadlay FIFA isla markaana uu ka dalbaday in ay ka noqdaan go’aankoodii hore, isagoo Balogun ku tilmaamay ciyaartoyga ugu fiican Mareykanka.
Xiriirka kubadda cagta Yurub UEFA ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen go’aanka FIFA ay kaga qaaday ganaax hal kulan Folarin Balagan oo ah ciyaartoyga ugu gool-dhaliska badan Mareykanka ee koobkan adduunka kaddib markii madaxweyne Trump uu soo wacay.
UEFA ayaay ka digtay in haddii sharciyada kubadda cagta aan la damaanad qaadi karin, in ay taasi keeneyso khatar la xiriirta hufnaan la’aan ciyaaraa.
Guddoomiyaha Midowga Yurub u qaabilsan ciyaaraha iyo dhaqanka, Glenn Micallef, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid aan la fahmi karin, isagoo sheegay in go’aamada noocaas ah ay tahay in ay gaaraan hay’adaha ciyaaraha, ee aysan ahayn siyaasiyiinta.
FIFA ayaa si buuxda u sharraxin sababta ganaaxa looga noqday ciyaaryahankan, bale madaxweyne Trump, oo xiriir dhow la leh madaxa FIFA, Gianni Infantino, ayaa u mahadceliyay hay’adda isagoo sheegay in ay saxday waxa uu ugu yeeray “caddaalad-darro weyn.”
