Dowladda Somaliya oo Diiday Qorshe ay Waday Shirkada WhatsApp.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac amni ka muujisay qorshaha cusub ee shirkadda Meta ay ku kordhinayso adeegga WhatsApp, kaas oo u oggolaanaya isticmaaleyaasha inay ku shaqeeyaan magac isticmaale (username) halkii uu ka muuqan lahaa lambarka taleefanka.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa sheegtay in isbeddelkan uu abuuri karo caqabado dhinaca amniga ah, maadaama uu adkeyn karo xaqiijinta aqoonsiga dadka isticmaala adeegga, xilli Soomaaliya ay weli la tacaalayso khataro ka imaanaya argagixisada iyo dambiyada abaabulan.

Agaasimaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan taageersanayn hirgelinta adeeggan cusub, isagoo tilmaamay in walaaca ugu weyn uu yahay saameynta uu ku yeelan karo la socodka iyo ka hortagga falalka halista ku ah amniga qaranka.

Mustafa Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay la wadaagto walaaca ay arrintan ka qabto dowladda Hindiya, oo iyaduna hore uga digtay saameynta suurtagalka ah ee qorshaha Meta ee ku saabsan WhatsApp.

Sida ay sheegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, dowladda waxaa saaran mas’uuliyadda ilaalinta amniga isgaarsiinta dalka iyo ka hortagga in tiknoolajiyada cusub loo adeegsado qarinta aqoonsiga kooxaha argagixisada, shabakadaha dambiyada abaabulan iyo cid kasta oo ku lug leh falal sharci-darro ah.

Dowladdu waxay sheegtay in isbeddel kasta oo lagu sameeyo adeegyada isgaarsiinta loo baahan yahay qiimeyn qoto dheer, gaar ahaan marka la eego saameynta uu ku yeelan karo amniga qaranka iyo awoodda hay’adaha amniga ee la dagaallanka dambiyada.

Hindiya ayaa sidoo kale dhowaan ka muujisay walaac qorshahan Meta, iyadoo sheegtay in isticmaalka magacyada halkii lambarrada taleefannada ay caqabad ku noqon karto awoodda hay’adaha sharci fulinta ee baaritaanka dambiyada lagu fuliyo adeegyada fariimaha.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli shirkadaha tiknoolajiyadda ay kordhinayaan adeegyada xoojinaya asturnaanta isticmaaleyaasha, halka dowlado badan ay ka digayaan in astaamaha cusub ay adkeyn karaan la socodka kooxaha amni-darrada iyo shabakadaha dambiyada adeegsada aaladaha casriga ah.