Netanyahu Oo Wada Olole ka dhan in Turkiga la Siiyo Diyaaradaha F-35

by Heemaaln
4 minutes read
A+A-
Reset

RW Israel Netanyahu ayaa la arkay 24 saac ee u dambeysay isagoo ka soo muuqanaya inta badan telefishinnada Mareykanka, wuxuuna ka wada sheegay hal farriin oo ah inuu Trump iyo Mareykanka ka codsanayo in laga hortaggo diyaaradaha dagaalka F-35 iyo matooradooda Turkiga inuu helo, ka dib markii Trump uu sheegay inuu Turkiga ka qaaday xayiraadii ka hortagnayd diyaaradahan in laga iibiyo.

Maaddaama tallaabada uu qaaday Netanyahu ahayd wax aan caadi ahayn , hadda waa waxa nasniinada u diidaya Netanyahu, gaar ahaan inuu waqtiyo gaar ah waraysi uu leeyahay laga sii daayay Fox news.

Trump wuxuu horey u sheegay inuu Turkiga u tagi doono isagoo wata hadiyado ah uu siinayo Erdogan oo uu ku sheegay saaxiib muhiim ah, mar kale ayuu maanta ammaan dusha u saaray Erdogan intii uu Trump hadal ka jeedinayay shir madaxeedka NATO ee Ankara ka socda, markaa wuxuu ku tilmaamay Erdogan inuu yahay hoggaamiye weyn oo dunidda laga ixtiraamo, isagana uu jecelyahay.

Markii uu shalay Trump gaaray Ankara , wuxuu warbaahinta kaga dhawaaqay mid ka mid waxyaabaya uu hadyada u siinayo Erdogan , isagoo markaa shaaciyay in laga qaadayo Turkiga , sharcigii lagu dabaqayay ee CAATSA, kaas oo sababtiisa looga mamnuucay Turkiga in laga iibiyo diyaaradda F-35.

Trump wuxuu awood u leeyahay inuu baabi’iyo in Turkiga lagu dabaqo CAATSA , isaga oo aan u marin Congress-ka.

Weriyaha kanaalka CNN Türk ayaa Trump weydiiyay haddii Mareykanku ka iibin doono diyaaradaha F-35 iyo matoorada Turkiga, inta uu ku sugnaa Mareykanka.

Trump wuxuu ku jawaabay:”Haa, waxaan aadayaa Ankara anigoo wata xirmo hadiyado waaweyn.”

Hadalkan wuxuu sababay xaalad caro iyo xaalad degdeg ah oo ka dhex dhalatay lobbiga ama kooxaha u ololeeya Israa’iil iyo Giriigga.

Lobbi-yadan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, waxayna bilaabeen olole dhab ah laga bilaabo maalintaas.

Tusaale ahaan, lobbiga ama kooxaha u ololeeya danaha Giriigga ee ku sugan gudaha Maretkanka , waxay si toos ah ugu baaqeem in la sameeyo qorshe hawleed degdeg ah oo u dhexeeya dadka asal ahaan Giriigga ah ee ku nool dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka.

Waxayna ku booriyeen inay si degdeg ah ula xiriiraan xafiisyada xubnaha Congress-ka ee degmooyinka iyo xaafadaha ay ka codeeyaan, si ay cadaadis u saaraan loogana hortago iibinta diyaaradaha F-35 ee Turkiga.

Giriigga iyo Turkiga, waxaa ka dhaxeeya khilaaf taariikhda oo dhan soo socday oo la xiriira arrimaha xadka badda , mar kasta oo awoodda militari ee Turkiga ay sare u kacaysana Giriigga wuxuu wajahayaa cabsi iyo walaac amni, taana waa sababta Giriigga uu ugu jiro safka Israa’iil oo u diidan yahay F-35 in la siiyo Turkiga.

Netanyahu , ayaa dhankiisa soo baxay oo dhowr jeer ka hadlay kanaallada telefishinnada Mareykanka.

Wuxuu Trump ka codsaday inuusan sidaas sameyn, sababtoo ah waxay wiiqi doontaa awoodda hawada ee Israa’iil ee gobolka.

Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 12 ayaa baahiyay inuu Netanyahu si toos ah ula xiriiray Trump. Wuxuu ka codsaday inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35. Trump subax iyo galabba si joogto ah ayuu u daawadaa Fox News.

Waxaa jira barnaamij subixii ka baxa telefishinka Fox News oo la yiraahdo Fox & Friends. Trump si joogto ah ayuu ula socdaa barnaamijkan.

Si lama filaan ah, ka hor safarka Trump ee Turkiga, maalintii uu Trump qorsheynayay inuu u safro Turkiga, Netanyahu ayaa si toos ah uga soo muuqday barnaamijka.

Sababtoo ah wuxuu ogaa in Trump uu daawan doono barnaamijka, saacado yar ka hor inta uusan diyaaradda raacin.

Hadal u ekaa mid Trump wax laga baryayo ayuu jeediyay Netanyahu, isagoo yiri:”Waa inaan diyaaradaha F-35 laga iibin Turkiga.”

“Heshiiskan ma ahan inuu dhaco… heshiiskani wuxuu dhaawacayaa awoodda hawada ee Israa’iil ee Bariga Dhexe.”

Trump wuxuu arrintan ka wajahayaa cadaadis badan, gaar ahaan cadaadis uga imanaya lobbiga Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu aaday Turkiga, wuxuuna ku dhawaaqay inuu qaadi doono sharciga CAATSA. Wuxuuna yiri:

“Maxaynu diyaaradaha uga iibin weynay xulafadeenna?” Erdogan oo xaaladan ka faa’iideysanaya ayaa dhankiisa yiri; “Waxaan aqaan Trump, waa madaxweyne ka dhabeeya hadalkiisa.”

Muxuu Erdogan sidaas u yiri? Sababtoo ah wuxuu ogyahay in Trump uu wajihi doono olole cadaadis badan marka uu dib ugu laabto Mareykanka.

Waxaa laga yaabaa in go’aanka Trump ee la xiriira Turkiga in laga iibinayo diyaaradda F-35 in mar kale la beddelo. Sidaas darteed Erdogan wuxuu yiri:

“Waxaan aqaan Trump…wixii uu sheego wuu fulinayaa.”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa Turkiga iyo Israa’iil, isagoo sheegay inuusan ku faraxsanayn hadallada uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ka jeediyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Trump ayaa xusay inuu ogyahay in labada hoggaamiye aysan is jeclayn.

Turkiga in aan la jeclaan waa wax iska caadi ah waayo waa dal leh awood ciidan oo xooggan, haddana waxayba heli doonaan diyaaradda F-35.