Taliye Shub Oo Weerar Afka ku Qaaday Dowladda Xasan Sheekh.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset


Gudoomiye Aadan Madoobe oo go’aano ka soo saaray Baydhabo ka dib la wareegidii DFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu si degdeg ah u qaban doono doorasho qof iyo cod ah, inkastoo uusan cayimin waqtiga rasmiga ah ee ay dhici doonto.

Madoobe ayaa tilmaamay in qorshaha ugu weyn uu yahay in deegaanka loo diyaariyo hirgelinta nidaamka doorasho ee tooska ah, isagoo xusay in dadaallo la xiriira diyaar-garowga ay horey u socdaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale caddeeyay in wasiirradii iyo agaasimayaashii hore ay sii wadi doonaan shaqadooda ilaa laga magacaabayo mas’uuliyiin cusub oo beddela, si aan loo carqaladeyn howlaha dowladnimo ee socda.

Isagoo la hadlayay bulshada Koonfur Galbeed, Madoobe ayaa ugu baaqay shacabka inay muujiyaan midnimo iyo isku duubni, si loo xaqiijiyo geeddi-socodka siyaasadeed ee la qorsheynayo.

Dhanka kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in dib u heshiisiin ballaaran laga hirgelin doono deegaannada maamulkaas, taas oo uu sheegay inay muhiim u tahay xasilloonida iyo hirgelinta doorashooyinka loo dhan yahay.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto hirgelinta nidaam doorasho oo qof iyo cod ah, kaas oo muddo dheer la sugayay, islamarkaana loo arko tallaabo muhiim u ah dhismaha dowlad dimuqraadi ah.