FIFA Oo si Adag u Difaacay Go’aankii Uu Qaatay Garsoorihii Ciyaarta Argentina iyo Egypt

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxa Garsoorka FIFA, Pierluigi Collina, ayaa si adag u difaacay go’aanadii ay gaadheen garsoorayaashii dhexdhexaadinyay kulankii 16-ka ee ay wada dheeleen Argentina iyo Egypt, kaasi oo ay si weyn uga biyo diideen dad badani kuna tilmaameen go’aano loo xagliyay dhanka xulka Argentina.

Collina ayaa dhaleecayntaas ku tilmaamay eedeymo aan sal iyo raad lahayn, isagoo waxba kama jiraan kasoo qaaday dhaleecaynta sheegaysa in FIFA musuq-maasuqday kulankaasi.

Madaxa garsoorka FIFA ayaa go’aankiisa kusoo koobay “Guud ahaan, waan ku qanacsannahay sida tartanku u socdo,”