Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaarka ah ayaa kulanka diiradda ku saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda gobolka iyo xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Mareykanku ku taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida guud ee Gobolka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, iyo midnimada dadka iyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”