Toogasho ka Dhacday Meel u dhow Goobta lagu Aasay Hoggaamiyihii hore ee Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA, ku-xigeenka amniga ee guddoomiyaha gobolka Khorasan Razavi ayaa xaqiijiyay in laba qof lagu dilay aagga Sarafrazan Boulevard ee galbeedka magaalada Mashhad.

Amirullah Shamghadari ayaa u sheegay IRNA in weli aan la ogeyn sababta dhacdada iyo aqoonsiga labada qof ee dhintay.

Goobta ay rasaastu ka dhacday waxay qiyaastii 17 kiiloomitir u jirtaa goobta barakeysan ee Imaamka siddeedaad ee Shiicada.

Maanta ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Mashhad maalintii ugu dambeysay ee aaska hoggaamiyihii hore ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

Munaasabadda aaska ayaa ka bilaabatay Jimcihii hore magaalada Tehran, waxaana ay sii martay magaalooyinka Qom, Najaf, Karbala, iyo ugu dambeyn Mashhad.