Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Qalabka Sida ay saaka gudaha magaalada Baydhabo kula dagaallameen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo weerar ku soo qaaday magaalada.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay si geesinimo leh uga hortageen weerarka, isla markaana ay dileen tiro ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, halka kuwo kalena lagu dhaawacay.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ay hadda wadaan hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.
Shacabka magaalada ayaa loogu baaqay inay isdejiyaan, isla markaana si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida magaalada.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in faahfaahinta rasmiga ah ee dagaalka, oo ay ku jiraan tirada khasaaraha, lala wadaagi doono shacabka marka ay soo gabagabowdo qiimeynta ay wadaan hay’adaha amniga.
“Faahfaahinta rasmiga ah iyo tirada khasaaraha la xaqiijiyay shacabka lala wadaagi doonaa marka qiimeyntu soo gabagabowdo,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga.
