Warbaahinta qaar oo ay ku jirto wakaaladda wararka ee AFP iyo baraha bulshada ayaa lagu faafiyay wararka la xiriira inay ciidanka Eritrea gudaha u galeen Itoobiya, iyagoo gaaray magaalada Adigrat, oo qiyaastii 40 km koonfur ka xigta xadka Eritrea.
Waxa internet-ka lagu arkay waa muuqaallo muujinayo askar lagu sheegay inay ka tirsanyihiin ciidanka Eritrea.
Arrintan kama aysan hadlin Eritrea
Itoobiya ayaa sidoo kale aamusan, iyadoo arrintan ay ka dhigantahay ku xad-gudub dal, waxa tallaabadan qaadayana ay tahay dal ay colaaddi kala dhaxeyso.
Maxay laakiin Eritrea ka faa’iideysaa inay ciidan gudaha u galiso gobol ay dagaallo ka socdaan ee Tigreega, taasoo sare u qaadaysa colaadda kala dhaxeysa Itoobiya.
Dhinaca warkan ka faa’iideysanaya waxay u muuqataa inay tahay Itoobiya, oo helaysa inay usoo bandhigto Eritrea dhinaca dagaalka bilaabaya, taasoo waddada u xaaraysa in xaaladdu sii xumaato ama uu dagaal ballaaran qarxo.
Haddii dagaal uu qarxo, sida aan aaminsanahay, Itoobiya ayaa doonaysa dagaalkaas.
Xaaladan waxay soo bandhigaysa gobolka geeska Afrika inuu ku jiro marxalad khatar badan oo wax kasta la filan karo.
Alle idankiis, waxaan rajeynaya waxa muuqanaya si dhab ah inaysan isugu rogin dagaal, kaasoo haddii uu qarxo gobolka oo dhan saameynaya.
