Masuul Maraykanka Oo Laga Hor-joogsaday Safar Uu ku Marayay Dhulka Falastiiniyiinta.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ro Khanna oo ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo ka fakaraya inuu ka mid noqdo xubnaha isku soo sharraxaya xilka madaxweynaha Mareykanka ee doorashada 2028, ayaa maanta sheegay booqasho uu ku tagay toddobaadkan dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto ee Daanta Galbeed inay joojiyeen oo isku dayeen inay hakiyaan safarkiisa qaar ka mid ah dadka ay dhulkaa Israa’iil ku deegaamaysay, kuwaasoo uu sheegay inay wateen hub uu Mareykanka soo saaro.

Khanna wuxuu sheegay in booqashadiisu ay siisay fursad uu si toos ah ugu arko saameynta ay shacabka Falastiin ku leedahay gumeysiga iyo dadka ay Israa’iil dhulkaa ku deegaamaysay. Wuxuu intaas ku daray in waayo-aragnimadaas ay si qoto dheer u muujisay xaaladda ka jirta Daanta Galbeed.

Screenshot