Waddanka Afrika ugu dadka badan ee Nigeria ayaa laga dareemayaa sicir barar xooggan oo sameeyey Sayladaha xoolaha ee dalkaas gaar ahaanna Lo’ada oo si weyn dalkaas loogu tiirsan yahay.
Warbaahinta Business Insider Africa ayaa sheegtay in neefka Lo’da ah magaalada Lagos lagu kala iibsiinayo 1,630 oo Dollar taas oo xataa ka badan lacagta lagu kala iibsado qaybo ka mid ah Baabuurta dalkaas laga helo.
Qiimaha Hilibka ee Nigeria ayaa marba marka ka dambaysa sii qaaliyoobaya taas oo bannaanka keenta baahida loo qabo in dalkaas loo soo dhoofiyo xoolo aad u badan.
Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska Iran lagu saxiixi doono maanta gudaha Pakistan, isagoo hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyay Fox News.
Trump ayaa sidoo kale xusay waraysi hore oo uu la yeeshay New York Post, kaas oo uu ku sheegay in Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance iyo wafdi Mareykan ah ay u socdaan Islamabad si ay uga qayb galaan wada-hadallada muhiimka ah ee Iran.
Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin arintaas heshiiska, balse hadalka Trump ayaa sii kordhiyay rajada iyo sidoo kale xiisadda ku xeeran wada-hadallada.
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheikh Cabdiqaadir, ayaa sheegay in caqabado siyaasadeed ay sabab u noqdeen in qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed aysan ka qeyb gelin imtixaanka mideysan ee shahaadiga ah, taas oo keentay sida uu sheegay in dowladdu samayso habab kale oo ay ku siiso shahaado qaran.
Wasiirku wuxuu sheegay in imtixaanka qaran uu yahay mid mideysan oo ay tahay in dhammaan ardayda gaarta heerkaas ay wada galaan, balse wuxuu tilmaamay in “caqabadaha siyaasadeed” ee ka jira maamullada qaar, gaar ahaan Puntland iyo Soomaaliland, ay hor istaageen arday badan inay helaan fursaddaas.
“Dowladdu waxay eegaysaa mustaqbalka ardayga Soomaaliyeed ee ku jira duruufo uusan isagu dooran,” ayuu yiri wasiirku, isaga oo xusay in xaaladahan ay yihiin kuwo ku meel gaar ah oo la filayo inay dhammaadaan mustaqbalka.
Wuxuu intaas ku daray in wasaaraddu ay sameysay habab farsamo oo lagu hubinayo tayada iyo xaqiiqada waxbarashada ardaydaas, si aanay u lumin fursadaha waxbarasho ee mustaqbalka. “Ardayda aan siineyno shahaadada qaran waa kuwo horey ugu galay imtixaanno ay qaadeen maamullada deegaannadooda, natiijooyinkoodana waa la hubiyaa,” ayuu yiri.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in xiriir farsamo oo joogto ah uu ka dhexeeyo Wasaaradda Federaalka iyo wasaaradaha waxbarashada ee maamullada, si loo xaqiijiyo saxnaanta xogta ardayda.
Puntland iyo Somaliland ayaa ah labada maamul ee aan ardaydooda ka qeyb galin imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa mar u diidday ardayda Puntland in ay helaan shahaadada Federaalka ee dugsiga sare sababa la xiriira ka qeybgal la’aantooda imtixaanka qaran ee dowladda.
Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa ku amray xubnaha Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada ee ka tirsan Baarlamaanka labadiisa aqal in ay kala doortaan xilka Wasiirnimo iyo xubinnimada Baarlamaanka.
Guddiga ayaa bayaan rasmi ah oo uu soo saaray ku sheegay, in go’aankan uu salka ku hayo fulinta qodobo ka mid ah Dastuurka cusub ee Federaalka Soomaaliya, kaasoo si cad u qeexaya in hal qof uusan isku mar qaban karin xildhibaan iyo wasiir.
Tallaabadan ayaa si toos ah u saameyneysa xildhibaannada ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa 15 wasiir oo ka mid ah 25-ka xubnood ee Golaha Wasiirrada.
Masuuliyiinta uu sida weyn u saamayn doono go’aankaan waxaa kamid ah, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiintan ayaa la faray in ay banneeyaan mid ka mid ah labada xil, taas oo micnaheedu yahay in ay lumin doonaan ama xubinnimada Baarlamaanka ama xilka Wasiirnimo, iyadoo lagu saleynayo qodobo ka mid ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Guddigu wuxuu intaas ku daray in kala soocidda awoodaha fulinta iyo sharci-dejinta ay muhiim u tahay hannaanka dowlad-dhiska iyo ilaalinta nidaamka dowladnimo.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa horey u sheegay in dastuurka cusub la dhaqan galin doono wixii ka dambeeya muddo xileedkiisa oo ay ka harsan tahay wax yar 30 cishe oo kaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaysa in dowladdu ku qancinayso golaha wasiirrada ee ku jira baarlamanaka in ay iska casilaan xubinimada baarlamaanka, si ay astaan wanaagsan ugu noqoto dhaqangalka dastuurka cusub ee dalka.
Qaar kamid ah wasiirrada haatan ku fadhiya kuraasta baarlamaanka ayaa cabsi ka qaba in haddii ay iska casilaan xubintooda baarlamaan ay ku adkaan doonto inay ku soo laabtan kursiga.

Dagaalka Iiraan iyo Maraykanka ayaa u weecday dhinaca Badda, saacado gudahood Washington iyo Tehran waxa ay isu gaysteen weerarro ka dhan ah Maraakiibta Maraysa Marinka Muhiimka ah ee Hormuz, waxaana taagan xiisad arrintaas ka dhalatay.
Maraykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegay in uu gacanta ku dhigay Markab ay leedahay Iiraan, halka Tehran ay tilmaamtay in ay duqaymo ku bartilmaameedsaday Markab ay leedahay Washington oo u dhawaa dhinaca Biyaha Cumaan.
Dagaalka ayaa u muuqda in uu dib u billaabanayo iyada oo markaan uu ka duwan yahay jihadii hore waayo waxa ay Iiraan iyo Maraykanka isku ugaarsanayaan dhinaca Biyaha Hormuz, waana dabin kale oo ay kusoo dhex dhici karaan Maraakiibta kale ee halkaasi mara.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Safiirka ay Israa’iil u soo magacawday deegaannada Maamulka Waqooyi Galbeed.
Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Al-jasiira ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka qaadeyso tillaabo kasta oo ay ku difaaceyso Midnimada dalka.
Sidoo kale, Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in xitaa mas’uuliyiinta deegaannada Maamulka Waqooyi Galbeed aysan isku raacsaneyn Aqoonsiga Israa’iil iyo Safiirka ay u soo magacowday.
“Aqoonsiga ISL ee Waqooyi Galbeed xitaa iskuma waafaqsana mas’uuliyiinta maamulkaasi, shacabkana maba rabaan in ISL ay soo farogaliso” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.
Hadalka Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ku soo aadaya xilli inta badan dalalka Caalamka ay ka horyimaadeen Safiirka cusub ee ay Israa’iil u soo magacawday Maamulka Waqooyi Galbeed.
Taliyaha guud ee ciidanka Pakistan,Jen.Asim Munir ayaa farriin gaarsiiyay Trump, wuxuuna u sheegay inta Mareykanka cunaqabateynta uu ku hayo dekedaha Iiraan , inaysan jiri karin wadahadal dhici kara oo ay tallaabooyinkaa caqabad ku yihiin wadahadallada in dib loo billaabo, ka dib farriintan Trump wuxuu sheegay inuu tixgelin doono soo jeedinta Pakistan, sida ay waxyar ka hor werisey Reuters.
Iiraan ayaa ku celisay inay ka jawaabi doonto weerarkii Mareykanka uu ku qabsaday markab ganacsi oo ay Iiraan leedahay,iyadoo weerarka ay ku tilmaamtay inuu yahay xadgudub ka dhan ah xabbad-joojinta iyo burcad-badeednimo,sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay Al Jazeera ka soo baxay xarunta dhexe ee howlgallada militari Iiraan ee Khatam al-Anbiya.
Shiinaha maxuu ka yiri Xiisadan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha oo ka hadashay Xanibaada markab xamuul ah oo Iiraan laga leeyahay oo mareykanka uu ka celiyay badda. “Waxaan ka walaacsannahay xannibaadda markabka iran, mareykanka wuxuu kukacaya waa xad gudub cad” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka shiinaha.
Shiinaha oo muujjiyay siduu ugu walaacsan yahay xaalada dagaalka ayaa yidhi “Xaaladda Gacanka Hormuz waa mid xasaasi ah oo adag, waana in la sameeyaa deedaalo ku habboon si loo soo afjaro dagaalka
Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.
