Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Saturday, May 2, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Wasiirka Waxbarashada Itoobiya Oo kooxda Arsenal ku Sifeeyay Koox Dhiig karka.

by Heemaaln April 19, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Wasiirka Waxbarashada Itoobiya, Birhanu Nega ayaa bil kahor kooxda Arsenal ku sifeeyay koox dadka taageerayaasheeda ah dhiiga ku kicisa (dhiig-kar ku ridda.)

Birhanu Nega, wuxuu xiligaas sheegay in isaga iyo wiilkiisu ay taageere wayn u yihiin kooxda Arsenal, iyadoo xiliga Arsenal dhibco badan ku hogaamineysay horyaalka hadana Birhanu Nega wuxuu sheegay inuu issagu aamisaneyn in Arsenal ay sanadkan koobka qaadayso, sababtuna ay tahay in Arsenal ay sannad walba taageerayasha rajo geliso, keddibna rajadaasi xagga dambe ka bur-burto.

April 19, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Beelaha Abgaal Iyo Murursade oo ka Cabanaya Dhul-boobka MW Xasan Sheekh..

by Heemaaln April 19, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 19, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

“Burburkii Siyaad Barre ilaa Hada Waxa Jira Dad Magac Qabiil lagu Dulmiyo Oo Shabeelada Hoose ku Dhaqan.

by Heemaaln April 19, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 19, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Mareykanka Oo Maraakiibtiisa Ddagaalka Dib Ugu Celiyay Bariga dhexe.

by Heemaaln April 19, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Mareykanka ayaa maraakiibtiisa dagaalka dib ugu celiyay bariga dhexe. Markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln ayaa ku sugan badda Cumaan.

Waxaana halkaas gaadhay USS Gerald Ford oo ah markabka diyaaradaha xambaara ee ugu wayn Dunida, kaasoo ay weheliyaan maraakiibta wax burburiya ee USS Mahan iyo USS Winston Churchill.

Sidoo kale waxay wararku sheegeen in Markabka kale ee diyaaradaha xambaara ee USS George W.H Bush uu isna dhamaadka bishan gaadhayo bariga dhexe oo ku biirayo maraakiibta dagaal Mareykanka ee gobolka ku sugan.

Mareykanka ayaa maraakiibtiisa dagaalka markale ku daabulaya bariga dhexe xili sidoo kale diyaaradaha dagaalka Mareykanku ay si aan kala joogsi lahayn ugu sii qulqulayaan gobolka, ma cada waxa Trump maagan yahay xili uu wali Mareykanku xayiraad baddeed ku hayo Iiraan.

April 19, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Toogasho Lagu Dilay 8 Caruur ah Oo ka Dhacday Gobolka Louisiana Ee Dalka Mareykanka

by Heemaaln April 19, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Sideed Caruur ah ayaa lagu dilay Gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka, sidaa waxa Wakaaladaa Wararka ee AP u xaqiijiyay Booliska Mareykanka .

Caruurtan waxa lagu dilay fal Toogasho ah, iyada oo ninkii Falkaas geystayna ay Ciidamadu dhaawaceen, islamarkaana gacanta kusoo dhigeen.

April 19, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Madaxweyne kuxigeenka Oo Gaadhay Deeganada Geerisa, iyo Garbo-darar kulana Shiray Beelaha ku Dagaalamaya Xeebaha.

by Heemaaln April 19, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 19, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Spain Oo Sheegtay In Midowga Yurub u Gudbin doono Soo-jeedin ka Dhan ah Israel

by Heemaaln April 19, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Ra’iisal Wasaaraha Spain, Perdo Sanchez ayaa sheegay inuu maalinta Salaasada u gudbin doono Midowga Yurub soo jeedin lagu joojinayo dhamaan heshiisyada Iskaashi ee Yurub la leedahay ISRL.

Pedro Sanchez ayaa yidhi “Ma ogolin waxa ay sameynayso Dowlada ISRL, dowlad kasta oo ku xadgudubta sharciga caalamiga ah Isla markaana jabisa mabaa’diida iyo qiyamka Midowga Yurub ma noqon karo saaxiibka Yurub.”

Dhinaca kale Barakac ayaa xilligan ka socda koonfurta Lubnaan, iyadoo ay muuqato inaysan shaqeyn xabbad-joojintii uu Trump ku dhawaaqay, oo ay jirto suragalnimo ay Israa’iil dib u billaabayso duqeymaheeda koonfurta Lubnaan, sida uu weriyey telefishinka TRT.

April 19, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Israel Oo ku Eedeysay Dalalka Farance Pakistan Iyo Shiinaha Inay Heshiis Qarsoodi ah Iran la Galeen

by Heemaaln April 19, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Safiirka ISRAEL u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Dalalka Shiinaha, Faransiiska iyo Pakistan ay heshiis qarsoodi ah oo ku saabsan marinka Hormus la galeen Iiraan.

Wuxuu sheegay in Iiraan ay maraakiibta sedexdaas Dal u ogoshahay iney maraan marin biyoodka Hormus.

ISRL ayaa sheegtay iney ka walaacsan tahay heshiiskaas qarsoodiga ah ee dhexmaray Dalalkaas.

Dhinaca kale Dalalka Yurub ayaa ka walwalsan in dadaalka Trump uu ku doonayo inuu guul siyaasadeed gaaro xiisada bariga dhaxe uu ku khasbi karo inuu Iiraan la galo heshiis aad u liita, kaas oo mustaqbalka dhibaatooyin ka sii waaweyn u horseedi kara.

Midawga Yurub ayaa cabsi wayn ka qaba in Iiraan ka hesho Trump fursado sharci barnaamijkeeda nukliyeerka ah iyo in meesha laga saaro cunaqabateyntii xaddidaysay, wax walbana ay gaaraan meel aan laga soo celin karin, sida ay werisey Reuters oo xiganaysa ilo reer Yurub ah.

April 19, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Hakan Fidan “Turkiga ma Dhisayo Isbahaysi Milatari oo ka Dhana ISRAEL.”

by Heemaaln April 19, 2026
written by Heemaaln 4 minutes read

HNN: Shirkii Diblomaasiyadda Antalya ee toddobaadkan dhammaadkiisa la qabtay ayaa isu keenay kumannaan hoggaamiye caalami ah, wuxuuna noqday madal muhiim ah oo lagu falanqeeyo dhibaatooyinka waaweyn ee caalamiga ah, sida uu Axaddii sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, isaga oo sidoo kale xusay doorka sii kordhaya ee Turkiga ee diblomaasiyadda iyo dhexdhexaadinta.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo lagu soo xirayay madasha saddexda maalmood socotay ee ka dhacday magaalada Antalya ee koonfurta Turkiga, Fidan wuxuu sheegay in ay ka qeybgaleen 23 madaxweyne iyo ra’iisul wasaare, 13 ku-xigeenno hoggaamiye, iyo 50 wasiir, iyadoo sidoo kale ay joogeen wakiillo ka kala socday 150 dal iyo 66 urur caalami ah.

“Intii lagu jiray saddexda maalmood, Antalya mar kale waxay noqotay meel laga dareemayo garaaca diblomaasiyadda caalamka,” ayuu yiri Fidan, isagoo intaa ku daray in 6,400 oo qof ay ka qeyb qaateen 52 kal-fadhi oo ka hadlayay dhibaatooyin laga bilaabo Asia-Pacific ilaa Latin America, Yurub iyo Aasiya Dhexe.

Fidan wuxuu sheegay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, iyo mas’uuliyiin sare oo Turki ah iyo dhiggooda dibadda, ay yeesheen kulammo badan oo laba geesood ah, halkaas oo sidoo kale lagu qabtay kulammo diblomaasiyadeed oo muhiim ah.

Kulan afar geesood ah oo lala yeeshay Pakistan, Sacuudiga iyo Masar
Fidan wuxuu xaqiijiyay in Turkigu qabtay kulan afar geesood ah oo ay la yeesheen Pakistan, Sacuudiga iyo Masar, kaas oo diiradda lagu saaray xasilloonida gobolka, iskaashiga, iyo amniga badda.

“Ujeedkeenna waa in afartan dal ay si dhab ah uga wada hadlaan arrimaha gobolka iyagoo leh qorshe la fulin karo,” ayuu yiri.

Wuxuu beeniyay in kulamadan ay ahaayeen kuwo lagu dhisayo isbahaysi ciidan, isagoo sheegay in Turkigu diiradda saarayo xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha.

“Ma dhiseyno isbahaysiyo ka dhan ah cid kale. Waxaan raadineynaa sidii loo joojin lahaa colaadaha, loo hormarin lahaa dhaqaalaha, loona xaqiijin lahaa xasilloonida gobolka,” ayuu yiri.

-Hakan Fidan ayaa yidhi “Annagu sida Israa’iil oo kale ma nihin, iyagu waxay Giriiga iyo Qurbus la dhiseen isbahaysi milatari oo ka dhana dalalka Muslimiinta, laakin annagu si ka duwan iyaga waxaan isku dayaynaa inaan soo afjarno colaadaha ka jira gobolka.”

Wadahadallada Iran iyo Mareykanka iyo dadaallada xabbad joojinta
Fidan wuxuu sheegay in Turkigu si dhow ula socdo wadahadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, iyadoo Pakistan ay ka ciyaarayso doorka dhexdhexaadinta.

“Waxaan gaarnay marxalad muhiim ah. Labada dhinacba waxay sii wadaan wadahadallo dhab ah,” ayuu yiri.

Wuxuu muujiyay rajo ah in xabbad joojinta la kordhin doono, isagoo sheegay in cidna aysan doonayn dagaal cusub.

Qorshaha nabadda Gaza iyo siyaasadaha Israel
Fidan wuxuu sheegay in kulan gaar ah oo ay yeesheen lix dal oo Muslim ah lagu falanqeeyay qorshaha nabadda Gaza, isla markaana la adkeeyay ballanqaadka nabad waarta.

“Ujeeddada Israel ee ah in la banneeyo Gaza, ha noqoto dil ama barakicin, waa mid qof walba ogyahay,” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in siyaasadaha ballaarinta ee Israel ay noqdeen khatar caalami ah.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine
Fidan wuxuu sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu martigeliyo wadahadallo kale oo nabadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

“Dagaalkan galay sannadkiisii shanaad waa inuu dhammaadaa,” ayuu yiri.

Wuxuu ka digay in aan indhaha laga qaadin Ukraine iyo Gaza.

Hannaanka nabadda ee Koonfurta Caucasus
Fidan wuxuu sheegay in Armenia iyo Azerbaijan ay horumar weyn ka sameeyeen heshiis nabadeed.

“Heshiis kama dambeys ah wuxuu keeni doonaa xasillooni weyn oo gobolka ah,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay muhiimadda marinnada ganacsiga iyo tamarta sida Middle Corridor iyo marinka Zangezur.

Lubnaan iyo xasilloonida gobolka
Fidan wuxuu ka digay in hawlgallada milatari ee Israel ee Lubnaan ay sii xumeyn karaan xaaladda gobolka.

“In ka badan hal milyan oo qof ayaa barakacay,” ayuu yiri.

Diblomaasiyadda Afrika iyo dhexdhexaadinta
Fidan wuxuu carrabka ku adkeeyay in Turkigu kordhinayo xiriirka Afrika, isagoo tilmaamay iskaashi dhaqaale iyo xalinta khilaafaadka.

Wuxuu tusaale u soo qaatay taageerada Turkiga ee Soomaaliya, wada shaqeynta Nigeria, iyo dhexdhexaadinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Afrika waligeed kama bixin ajandahayaga,” ayuu yiri.

Amniga tamarta iyo mashaariicda isku xirnaanta
Fidan wuxuu sheegay in xiisadaha ka jira marin-biyoodka Hormuz ay muujinayaan muhiimadda waddooyin kale oo tamar iyo ganacsi.

Awoodaha dhexe iyo maamulka caalamka
Fidan wuxuu sheegay in dalalka awoodda dhexe ay sii kordhinayaan iskaashiga si ay ula tacaalaan dhibaatooyinka caalamiga ah.

Doorka madasha
Fidan wuxuu sheegay in madashu ay ka hadashay caqabado cusub sida sirdoonka macmalka ah, amniga cuntada, iyo isbeddelka cimilada.

“Waqti ay kala fogaansho jirto, Madasha Antalya waxay noqotay meel rajo, wada hadal iyo xalal laga helo,” ayuu yiri.

Wuxuu ku celiyay in Turkigu sii wadi doono dadaallada diblomaasiyadeed iyo dhexdhexaadinta.

Ugu dambeyn, Fidan wuxuu u mahadceliyay ka qeybgalayaasha, hay’adaha iyo warbaahinta ka qeyb qaatay guusha madasha.

Heemaal News Network

April 19, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iiraan Oo Sharuud ku Xirtay ka Qayb-galka Wada-hadalada Pakistaan ka Furmaya Mar kale.

by Heemaaln April 19, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Iiraan ayaa shaaca ka qaaday in aysab wefti wada-hadal u dirayn Pakistaan, ilaa Mareykanku ka qaadayo xiyaaradda uu saaray dekedeheeda, sida ay qortay wakaaladda Tasmin.

Trump ayaa isna dhankiisa sheegey in Nadaxweyne ku-xigeenkiisa aanu tegeyn Pakaistan — Ismariwaaggani wuxuu imanayaa iyada oo berri loo madlan yahay wada-hadallo kale oo ka dhaca Islamabad, laguna soo afjaro dagaalka Bariga-dhexe.

Dhinaca kale Iiraan oo laba Markab oo shidaal ah Maanta Mar kale Dib uga Celisay Marinka Hormuz

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), ayaa sheegtay in “iyadoo la raacayo sii socoshada xannibaadda ciidan‑badeed ee Iiraan, ciidamada qalabka sida ee Iiraan ay maanta ka celiyeen laba markab oo shidaal ah oo dheeraad ah inay ka gudbaan Marinka Hormuz”, taas oo dhacday maanta ooi Axad ah.

Tasnim waxay intaas ku dartay in labadan markab, oo “ku safrayay calamada Botswana iyo Angola”, ay doonayeen inay maraan Hormuz balse “lagu qasbay inay beddelaan jihadooda oo dib u laabtaan, kaddib tallaabada degdegga ah ee ay qaadeen ciidamada qalabka sida ee Iiraan.”

Arrintan ayaa imanaysa kaddib ku dhawaaqistii Iiraan ee ahayd in Marinka Hormuz uu sii ahaan doono mid xiran ilaa Maraykanku ka qaadayo xannibaadda uu kusoo rogay dekedaha Iiraan.

April 19, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 29
  • 30
  • 31
  • 32
  • 33
  • …
  • 92
  • Arteta oo quus taagan, hanjabaadla’aana maanta kaga baxay waraysigiisii

  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Turkiga Oo Soomaaliya U Ansixiyay $30 Milyan Iyo Dhul Safaaradeed.
May 1, 2026
Trump oo ka hadlay soo jeedin cusub oo Iran ah. “Kuma qanacsani”
May 1, 2026
“Deniyow Haddaan Xuquuqdayada Hadda Keeni-weydo Walahi Waan la Dagaalamaynaa Maamulkaaga.” Dhaqanka Beesha Nuux Jibraahiil:
May 1, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home