Robot loo eekaysiiyay Bini-aadam ayaa jebiyay rikoodhka adduunka ee tartanka half maaratoonka oo ka dhacay Caasimadda dalka Shiinaha ee Beijing, kaasi oo ay kuwada jireen Bini aadam iyo Robot-yo.
Mid ka mid ah Robot-yada Tartanka ku jirey ayaa boodhka ku liqey dhamaan dadkii bini aadamka ahaa iyo Robot-yadii kale ee la tartamayay isagoo 21 Km ku dhameeyay 50 daqiiqo iyo 26 ilbidhiqsi, isagoo qofkii bini aadamka ee ugu soo xigey una dhaqsiyaha badnaa ka horeeyay muddo dhan 17 daqiiqo.
Mudooyinkii ugu danbeeyay aaladaha dadku sameeyeen ee Robot-yada ayaa u muuqday kuwo awood u yeeshay iney qabtaan shaqo kasta oo dadku qaban jireen, taasi oo sababtay in Warshado badan iyo goobo kale oo ganacsi ay bilaabaan iney samaystaan Robot-yo u qabta shaqooyinkii dadku u qaban jireen.
Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa ku hanjabay in Maraykanku baabi’in doono dhammaan xarumaha korontada iyo buundooyinka Iran, isagoo ka carooday weeraradii Iran ay ku qaaday Maraakiib mareysay Marinka Hormuz
“Maalinimadii shalay Iran waxay go’aansatay inay weerarto Maraakiib mareysay Marinka Hormuz , taas oo si buuxda u jebinaysa heshiiskii xabbad-joojinta ee naga dhexeeyay!” ayuu madaxweynaha Maraykanku ku qoray bartiisa Truth Social.
Wuxuu sheegay in Iran ay rasaas ku furtay markab Faransiis ah iyo doon xamuul oo laga leeyahay UK.
“Waxaan soo bandhignay HESHIIS aad u caddaalad ah oo macquul ah, waxaana rajeynayaa inay qaataan, sababtoo ah haddii aysan qaadan, Maraykanku wuxuu baabi’in doonaa xarun kasta oo koronto iyo buundo kasta oo Iran ku taal,” ayuu sheegay.
Dhinaca kalena, Trump wuxuu sheegay in ergada Maraykanka ku meteleysag wada-hadalada ay la galayaan Iran ay berri tegi doonaan Pakistan si ay ula kulmaan ergada Iran
Trump wuxuu sheegay in wakiillo ka socda Maraykanka ay Isniinta tegi doonaan Pakistan si ay u uga qeyb galaan wareeg labaad oo wada-hadallo ah oo ay la yeeshaan Iran.
Ma uusan ku caddeyn qoraalkiisa baraha bulshada cidda ay Maraykanku u diri doonaan ka qaybgalka wada-hadallada ka dhacaya Islamabad, walow wareegii hore uu metelayay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance.

Naadiga kubada cagta Talyaaniga ee AC Millan ayaa bartooda Tiktok ku baahiyay muuqaal uu leeyahay nin TikToker ah oo kasoo jeeda gobolka Togdheer, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Ordaaye.
Ordaaye oo ka mid ah dadka maqalka naafada ka ah ayaa barahiisa bulshada kusoo bandhiga muuqaalo orod ah, kuwaasi oo mudooyinkii ugu danbeeyay aad ugu faafay baraha bulshada, iyadoo ay daawadeen Malaayiin qof oo ku kala sugan daafaha caalamka.
Muuqaalka ay qaadatay naadiga AC Millan ayaana muujinaya sida ay xuduudaha uga talaabeen Maxamed Ordaaye iyo orodkiisu, iyadoo aan la ogeyn in naadiga reer Talyaani siiyeen Maxamed xuquuqda ay ku qaateen muuqaalkiisa iyo inkale.
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka, Kamala Harris, ayaa sheegtay in Donald Trump “lagu jiiday” dagaal uu la galay Iran, taas oo ay ku eedeysay inuu ka dhashay dhiirrigelin ka timid Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.
Khudbad ay ka jeedisay munaasabad lacag ururin ah Sabtidii, ayay u sheegtay dhagaystayaasha: “Wuxuu galay dagaal, waxaana ku jiiday Netanyahu,” ayay tiri Harris. “Aan arrintan si cad u sheegno — wuxuu galay dagaal aysan rabin shacabka Mareykanka, isagoo halis gelinaya nolosha askarta Mareykanka.”
Ilaa haatan, Trump si toos ah uguma jawaabin Harris, balse wuxuu qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in Israa’iil ay tahay “xulafada weyn” ee Mareykanka.
Qoraalkiisa ayaa u dhignaa: “Haddii dadku jecel yihiin ama aysan jeclayn Israa’iil, waxay caddeysay inay tahay xulafada weyn ee Mareykanka. Waa dad geesiyaal ah, dhiirran, daacad ah, oo caqli badan, waxayna ka duwan yihiin kuwa kale ee muujiyay wajigooda dhabta ah xilliyada colaadda iyo xiisadda; Israa’iil si adag ayay u dagaallantaa waxayna taqaannaa sida loo guuleysto!”
Madaxweynaha Brazil, Lula da Silva ayaa si adag uga hadlay duulaanka la qorsheynayo in lagu qaado Iran isagoo xusay in duulaaankii lagu qaaday Ciraaq Iyo Liibiya uu ahaa mid been abuur ah.
Waxuuna yiri:
Duullaankii lagu qaaday Ciraaq wuxuu ahaa been. Xagee ku dambeeyeen hubka wax gumaada ee la sheegay in Saddam Hussein haystay? Waligood lama helin.
Duullaankii ay Faransiiska iyo Ingiriiska ku qaadeen Liibiya wuxuu ahaa been kale oo khasaare aad u weyn geystay waqtigaas.
Weerarka iyo xasuuqa ay Israa’iil ka waddo Qasa waa been kale oo aad u weyn.
Haddana duqeymaha Israa’iil ka waddo Lubnaan maxaa lagu marmarsiyoonaya?
Haddana duullaanka Mareykanka ku qaaday Iiraan , sidoo kale muxuu yahay marmarsiyaha? waa isla wixii aan horey usoo aragnay ee beenta ahaa.”
Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa Axaddii sheegay in dalkiisu doonayo inuu ku soo afjaro dagaalka kala dhexeeya Mareykanka si sharaf leh, isagoo ku eedeeyay Donald Trump inuusan xaq u lahayn inuu Tehran ka xayuubiyo xuquuqdeeda nukliyeerka.
Pezeshkian wuxuu adkeeyay in Iiraan aysan ahayn dal dagaal doon ah, balse ay is-difaacayso, isaga oo ugu baaqay shacabka inay si adag uga hortagaan cadow uu ku tilmaamay mid dhiig-miirato ah.
Iran maka tanaasuli doontaa barnaamijka nukliyeerka oo ah waxa ay ugu marmarsiiyoonayaan mareykanka iyo YHD si ay uburburiyaan dowladda Iran.
Madaxweynaha Iiraan ayaa runta indhaha kaga dhuftay Donald Trump, Warbaahinta Iiraan ayaa hadda baahisay in Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian uu sheegay in Trump uusan heli karin sabab sharci ah oo uu dalkiisa kaga hor istaago xuquuqda uu u leeyahay samaysiga Nuclear-ka. Trump ayaa horey u sheegay in Iiraan oggolaatay inay ka tanaasusho barnaamijkeeda Nuclear-ka.
Ibrahim Casiisi, Gudoomiyaha guddiga ammniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Baarlamanka Iiraan, ayaa sheegay in Mareykanku uu marwalba ka baxayo axdiga iyo balanta uu la galo Iiraan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ficilada uu Mareykanku ku jabinayo balamahaas ay sabab u yihiin in Iiraan ay markale dib u xidho marin biyoodka Hormus.
Mareykanka iyo Iiraan ayaa sheegay in horumar laga sameeyay wadahadallada iyadoo wali hubanti la’aan ka taagan tahay marin biyoodka Hormuz.
Quburada ugu sareysa dhanka Wadaxaajoodka dowladda Iiraan ayaa sheegay in wadahadalladii dhawaan lala yeeshay Mareykanka uu jiro isfaham hordhac ah laga gaadhay laakiin caqabadaha ugu weyn ayaa kataagan arrimaha nukliyeerka iyo marin biyoodka Hormuz, halka Madaxweyne Donald Trump uu wadahadallada ku tilmaamay wada hadalo wanaagsan inkastoo uu ka digay hanjabaadaha iran eebku saabsan marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.
Dhinacyada Midkoodna ma uusan sheegin wax faahfaahin ah oo ku saabsan xaaladda wadahadallada.
Warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa sheegtay in Israa’iil iyo xulafadeeda Mareykanka ay si dhow uga wada shaqeynayaan diyaar-garow ku aaddan suurtagalnimada burburinta xabbad-joojinta ay la leeyihiin Iiraan, iyadoo la tilmaamay in xarumaha tamarta ay noqon karaan bartilmaameedyo cusub haddii dagaalku dib u qarxo.
Wargeyska Maariv, oo soo xiganaya sarkaal sare oo militari oo aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in “isku-duwidda labada dhinac ay tahay mid aad u sarreysa,” isla markaana haddii dagaalku dib u bilowdo, weerarradu ay ku fidi karaan kaabayaasha tamarta ee Iiraan.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Iiraan ay weli ku adkeysaneyso xaqeeda kobcinta uranium-ka, halka dhexdhexaadiyeyaasha wadahadallada u dhexeeya Washington iyo Tehran aysan muujin rajo muuqata oo xal degdeg ah.
Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.
