Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Monday, May 4, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Iiraan Oo ku Goodisay Inay Qaadayso Tallaabooyin Lagu ilaalinayo Danaha Qaranka Dalka

by Heemaaln April 22, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in dalku “si dhow ula socdo horumarrada” ka socda saaxadda siyaasadda, isagoo ka jawaabaya codsiyada Pakistan ee xabbad-joojinta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA.

Qoraal uu ku daabacay barta Telegram, ee IRNA afhayeen Baghaei ayaa ku goodiyay in Iiraan qaadi doonto “tallaabooyin lagama maarmaan ah oo ku habboon si loo ilaaliyo danaha qaranka iyo amniga Iiraan”.

Marka laga hadlayo suurtagalnimada wadahadallo dheeraad ah oo lala yeesho Washington, Baghaei wuxuu yiri: “Diblomaasiyaddu waa aalad lagu sugo danaha qaranka iyo amniga, mar kasta oo aan ku qancno in ay jiraan shuruudo lagama maarmaan ah oo macquul ah oo lagu adeegsan karo aaladdan… waan qaadi doonnaa tallaabooyin.”

Xalay ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu kordhin doono xabbad-joojinta, kadib codsi ka yimid Pakistan, isagoo tilmaamay in dowlad “aad u kala daadsan” oo ka jirta Iiraan.

Markab saddexaad oo lagu weeraray Hormuz

Markab xamuul oo saddexaad ah ayaa lagu weeraray marinka Hormuz xili uu isku dayayay inuu maro marin biyoodka Hormuz, sida ay sheegtay shirkadda amniga badda ee Vanguard u sheegtay qaybta xaqiijinta wararka ee BBC Verify.

Markabkan, oo ku uu ka babanayay calanka Panama oo lagu magacaabo MSC Francesca, ayaa lagu bartilmaameedsaday qiyaastii lix mayl oo badda ah meel u dhow xeebta Iiraan xilli uu ku sii jeeday koonfurta marin biyoodka una socday Gacanka Cumaan.

Markabka ayaa la sheegay in la siiyay diginin inta aan la weerarin.

Ma jiro macluumaad dheeraad ah oo weli la soo weriyay.

April 22, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Diyaarado Dagaal Oo Isku Dhacay Mmarkii Duuliyaashii ay Bilaabeen in Hawada ay Sawirro Isaga Qaadan.

by Heemaaln April 22, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Koofurta Kuuriya ayaa sheegay in laba diyaaradood oo F-15K fighter jet ay hawada iskula dhaceen kadib markii duuliyeyaashu ay bilaabeen in ay sawirro iyo muuqaallo iska duubaan.

Waxyeello ayaa gaartay diyaaradaha, balse duuliyeyaashu way badbaadeen, iyadoo hal duuliye lagu ganaaxay 88 milyan won (qiyaastii $60,000 USD) kadib tilaabada halis ah oo uu sameeyay.

Qaadista sawirrada duulimaadyada muhiimka ah waxay ahayd “caado guud oo ka dhex jirtay duuliyayaasha xilligaas,” waxaa sidaasi sheegay guddiga kormeerka ee warbixinta soo saaray Arbacada maanta ah.

Duuliyaha ayaa shaaciyay ujeedkiisa kahor duulimaadka, sida laga soo xigtay warbixinta.Duuliyaasha ayaa u isticmaalayay sawir qaadista iyo duubista muuqaallada teleefoonnadooda gacanta

Dhanka kale Dawladda Malawi ayaa qorshaynaysa in Bank Afrika ay ka soo ahaamato lacag dhan 120 Million oo Dollar si ay shidaal ugu soo iibiso dalkaas oo hadda la daala dhacaya dhibaatooyin dhaqaale oo aad u xooggan.

Malawi ayaa doonaysa in Dayntani noqonto mid lagu daboolo shidaal yaraanta waddankaas oo ka mid ah dalalka uu sameeyey dagaalka ka soconaya bariga dhexe.

Sida ay sheegtay warbaahinta Business Insider Africa, dalka Malawi waa waddanka ugu shidaalka qaalisan Afrika iyada oo halkii Litir lagu iibiyo 3.4 Dollar.

April 22, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Ex Danjire Tibor Nagy Oo Midawga Africa ku Dhaliilay Canbaryntii Safiirka Israel Ee Somaliland

by Heemaaln April 22, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka u qaabbilsanaa Afrika Danjire Tibor Nagy ayaa si adag ula hadlay midawga Afrika iyo dhaleecayn u soo jeediyay safiirka Israa’iil Somaliland usoo magacaawday waxaana uu yidhi:

“Waa munaafaqad heerkeedu sarreeyo in Midowga Afrika ay cambaareeyaan in Israa’iil ay Safiir u magacawdo Somaliland.

Haddii xitaa badh ka mid ah xubnaha Midowga Afrika ay u maamuli lahaayeen dalalkooda si la mid ah sida hufan ee ay Somaliland u maamusho dhulkeeda, ama ay u ahaan lahaayeen kuwa dimuqraadi ah sida Somaliland, Midowga Afrika wuxuu ahaan lahaa urur shaqaynaya!” Danjire Tibor Nagy.

April 22, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Senator Ted Cruz oo Sheegay in Trump uu Somaliland Aqoonsan karo ka Hor inta aanu Xilka ka Dagin

by Heemaaln April 22, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Senator Ted Cruz ayaa muujiyay kalsooni xooggan oo uu ku qabo in Donald Trump uu aqoonsan doono Somaliland ka hor inta aanu dhammaan muddadiisa xilka, isaga oo Somaliland ku tilmaamay saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim u ah danaha Maraykanka ee Geeska Afrika, lakiin sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha oo u jawaabay Cruz ayaa sheegay in Washington ay wali aaminsanahay midnimada Soomaaliya, lakiin ay xoojinayso xidhiidhka Somaliland.

Senator Cruz oo ka hadlayay kulan ay yeesheen Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Maraykanka, ayaa sheegay in Somaliland ay door muuqda ka qaadato sugidda amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, isla markaana ay si wax ku ool ah uga qayb qaadato la dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda.

Waxa uu sidoo kale xusay in Somaliland ay xidhiidh dhow la leedahay Taiwan iyo Israel—oo ka mid ah saaxiibada istaraatiijiga ah ee Maraykanka—taas oo uu sheegay in ay sii kordhinayso muhiimaddeeda juqraafi iyo mid siyaasadeed ee gobolka.

Cruz ayaa sheegay in uu Madaxweynaha Maraykanka u diray warqad uu kaga codsanayo in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado, isagoo tilmaamay in tallaabadaasi uu Shiinaha ka cadhaysiiyay, oo Baijing ay si deg deg ah uga soo jawaabtay, taas oo uu ku fasiray in ay muujinayso muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland u leedahay tartanka quwadaha waaweyn ee gobolka.

Dhanka kale, Nick Checker oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegay in Washington ay weli aaminsantahay siyaasaddeeda ku salaysan midnimada Soomaaliya, balse ay sii xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Somaliland, maadaama ay tahay saaxiib muhiim ah oo door wanaagsan ka ciyaara xasilloonida gobolka.

Senator Cruz ayaa sidoo kale wax ka weydiiyay suurtagalnimada heshiis difaac oo u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland, hase yeeshee sarkaalkaasi ayaa sheegay in arrintaasi u baahan tahay qiimayn dheeraad ah. Si kastaba, Cruz ayaa ku adkaystay in Somaliland ay noqon karto saaxiib istaraatiiji ah oo xoojiya awoodda Maraykanka ee Geeska Afrika.

Ugu dambayn, Cruz ayaa muujiyay rajo ah in maamulka Trump uu qaadi doono tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka Somaliland, isla markaana ay suuragal tahay in aqoonsi rasmi ah la siiyo inta aanay dhammaan muddada xilka ee Madaxweyne Trump.

April 22, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Somaliya Oo si Kulul uga Hadashay Falalka Iiraan wado ee Lidka ku ah Dalalka Khallijka,

by Heemaaln April 22, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay falalka Iiraan wado ee lidka ku ah dalalka Khallijka, iyadoo arrintan lagu soo qaaday shir degdeg ah oo ay yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta, kaas oo diiradda lagu saaray weerarrada Tehran ay ka waddo dalalka Khaliijka.

DFS waxay caddeysay inay si buuxda ula safan tahay dowladaha Carabta ee la kulmaya weerarradaasi, isla markaana si adag u dhaliishay tallaabooyinka ay qaadayso Iiraan. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda, Xasan Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dalalka walaalaha ah ee Carabta.

Hadalkaan ayaa imaanaya wax yar kadib markii Iiraan ay muujisay taageero ay u hayso Soomaaliya, isla markaana ay ka hortimid dadaallada Somaliland ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah.

April 22, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

South Sudan Oo Isku Diyaarinaya Doorashadii ugu Horreysay Tan iyo Markii Xoroyada Qaadatay

by Heemaaln April 22, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Dalka South Sudan ayaa isu diyaarinaya doorashadii ugu horreysay ee laga qabto tan iyo markii uu xornimada ka qaatay Sudan sannadkii 2011-kii.

Doorashadan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadda ee dalkaas.

Inkasta oo doorashada dhowr jeer dib loo dhigay illaa shan mar hadda waxaa la qorsheeyay in la qabto dhammaadka sannadka 2026. Dib u dhacyadan ayaa la xiriiray caqabado amni iyo siyaasadeed oo muddo dheer jiray

April 22, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Puntland oo ku Dhawaaqday Dagaal ka dhan ah kalluumaysiga Sharci-darrada ah ee Xeebaheeda

by Heemaaln April 22, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa shaaca ka qaadday in ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo ka dhan ah Soomaalida iyo ajaaniibta ku lugta leh kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha Puntland.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in la xoojinayo howlaha kormeerka iyo ilaalinta badda, si looga hortago falalka kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU), kuwaas oo si weyn u saameeyay khayraadka dabiiciga ah iyo nolosha bulshada ku tiirsan kalluumaysiga.

Wasaaraddu waxay caddeysay in cid kasta oo lagu helo falal noocaas ah lala tiigsan doono tallaabooyin sharci ah, iyadoo sidoo kale sheegtay in la adkeynayo nidaamka bixinta ruqsadaha kalluumaysiga si loo hubiyo in howlaha badda ay u dhacaan si waafaqsan sharciga.

Dhanka kale, Puntland ayaa ugu baaqday ganacsatada iyo maalgashadayaasha inay si sharci ah uga faa’iideystaan fursadaha kalluumaysiga, iyadoo la dhiirrigelinayo horumarinta qaybo ay ka mid yihiin kalluun-beerista, kaydinta qabow (cold chain), iyo suuq-geynta.

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay kuwo lagu ilaalinayo khayraadka badda, laguna xaqiijinayo koboc dhaqaale iyo sugnaanta cuntada ee gobolka.

April 22, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Maraykanka Oo Dadkii Afganistaan Ee la Shaqayn-jiray kasoo Dejiyay Africa

by Heemaaln April 22, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Dawladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in qaaradda Afrika gaar ahaanna dalka Congo ay geyso dadkii ka caawin jirey dagaalkii Afgaanistaan ee u dhashay waddanka Afghanistan kuwaas oo hadda ku sugan dalka Qatar.

Dadkan oo muddo dheer raadinayey ayaa hadda la geynaya Afrika sida ay sheegeen Warbaahinta Maraykanka sida NBC iyo The New York times.

Qaaradda Afrika dadkan loo soo dirayo ayaa ah kuwii Maraykanka ka taageeray dagaalkii Afgaanistaan ka dibna waddankaas ka cararay markii ay la wareegtay kooxda hadda gacanka ku haysa taas oo ah tii ay Maraykanka wada dagaallami jireen 20 kii sano ee la soo dhaafay.

Congo oo ah dal aan degganayn ayaa Maraykanka heshiis kula gashay in dalkeeda la keeno cid kasta oo loo diido sharciga Maraykanka.

April 22, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iran Oo Jawaab lala Yaabay ka Bixisay Mudo Kordhintii xabad-joojinta Ee Trump ku Dhawaaqay

by Heemaaln April 21, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Iran ayaa jawaab lala yaabay ka bixisay muddo kordhintii Trump ee uu ku daray waqtiga xabad-joojinta, iyadoo sheegtay inaysan aqbalin mudda kordhinta D.Trump ku dhawaaqay caawa.

Tehran waxay sheegtay inaysan aqoonsanayn mudda kordhinta Trump sameeyay, sidaan ayayna hadalkeeda ku dhigtay.

“Iran ma aqoonsana kordhinta xabad-joojinta, wayku dhaqmi kartaa ama ka bixi kartaa, ayadoo ku salaynaysa danaheeda qaranka”

“Iiraan ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday in ka qeybgalka wadahadallada xaaladdan hadda jirta uu yahay waqti lumis,maadaama Mareykanka uu hor istaagayo in la gaaro heshiis ku habboon. Sidaas darteed, Iiraan diyaar uma aha inay ku dhacdo dabinka Mareykanka.”

April 21, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Trump oo Hadda ku Dhowaaqay inuu Kordhiyay Waqtiga Xabad joojinta Ddagaalka Iiraan Waqti aan la Cayimin.

by Heemaaln April 21, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Qoraal uu ku daabacay bartiisa truth,Trump ayaa waxa uu ku sheevay in uu codsi uga yimid Ra’isalwasaaraha Pakistan iyo taliyaha Ciidanka Pakistan uu ku kordhiyay waqtiga xabad-joojinta oo ku ekayd bari Arbacada.

Trump ayaa sidoo kale shegay inuu hakiyay weerar lagu qaadi lahaa Iraan, isagoo dhinaca kale sheegay in xayiraaddii Dekadaha Iran sii soconeyso Milatarigana aysan amar qabin ilaa ay labada waddo mid doorato Iran.

Hadalka Trump ayaa ku soo aadayaa iyadoo saacado uun ay ka dhiman yihiin waqtiga xabad joojinta isla markaana Iiraan ay si cad u sheegtay inaysan ka qayb galayn shirka lagu wado inuu ka dhaco magaalada Islamabad illaa laga qaado xayiraadda dhanka badda.

April 21, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 25
  • 26
  • 27
  • 28
  • 29
  • …
  • 96
  • Arteta oo quus taagan, hanjabaadla’aana maanta kaga baxay waraysigiisii

  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Iiraan Oo soo Bandhigtay Qorshe Cusub Oo ka kooban 14 Qodob Iyo Trump Oo Diiday Qorshahaasi.
May 3, 2026
R.Wasaaraha Jarmalka Oo Sheegay in Maraykanku weli yahay Xubibta Ugu Muhiimsan NATO
May 3, 2026
Sacuudiga, Ruushka iyo Dalal kale Oo soo Saaray Go’aan Lagu Xoojinayo OPEC+ Markii Imaaradku ka Baxay
May 3, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home