Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Saturday, May 2, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Ibrahim Traoré Oo Amar Culus Dul-dhigtay Shirkadaha Dahabka ka Qoda Burkina Faso

by Heemaaln April 20, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Sida ay ku warrantay Al Jazeera dawladda Burkina Faso ayaa amar culus dul dhigtay shirkad laga leeyahay dalka Australia taas oo ruqsad u haysatay qodista macdanta dlakaas.

Shirkaddan oo markii hore lahayd 85% dahabka soo baxa halka dawladduna ka lahayd 15% ayaa hadda laga doonayaa in ay Burkina Faso siiso 40% iyaduna ay qaadato 60%

Xukuumadda Ibrahim Traoré ayaa doonaysa in kor loo qaado dakhliga dawladdu ka hesho macdanta dalkaas lana yareeyo shirkaddaha shisheeye ee sida xisaab la’aanta ah ku guran jirey Khayraadka dalkaas.

April 20, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

“Xasan Sheekh Go’aan kama Gaari karo Cida Maamulaysa Koofur Galbeed” Taliyihii hore ee Booliska KG

by Heemaaln April 20, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 20, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Madaxa Golaha Sare Sudan Oo soo Dhaweeyay Taliye Muhiim u ahaa RSF oo Ku Biiray Ciidanka Suudaan

by Heemaaln April 20, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Madaxa Golaha Sare ee Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa Axaddii si diirran ugu qaabilay taliye sare oo ka goostay ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF, xilli uu ku sugnaa gobolka Waqooyi ee dalkaas. Tallaabadan ayaa falanqeeyayaashu ku tilmaameen mid ka mid ah kala go’yadii ugu waa weynaa ee kooxda RSF ay la kulanto bilihii u dambeeyay.

Sarreen Guuto Al-Nour Ahmed Adam, oo loo yaqaan “Al-Qubba,” ayaa gaaray magaalada Dongola kadib safar baxsad ah oo uu kaga soo tegay deegaanka Kutum ee Waqooyiga Daarfuur. Ka gooshadiisu waxay astaan u tahay isbeddel culus oo ku yimid isbahaysiyada RSF, iyadoo dagaalka Sudan conflict uu weli si xoogan u socdo tan iyo bishii Abriil 2023.

Wararka ay baahiyeen Al Jazeera iyo Al Arabiya ayaa sheegaya in Al-Burhaan iyo saraakiil sare oo militari ay si rasmi ah u soo dhaweeyeen Al-Qubba iyo ciidamadiisa. Xitaa waxaa la sheegay in taliyaha ciidanka Suudaan uu hadiyad ahaan ugu deeqay gaarigiisa gaarka ah—arrin si weyn loo hadal hayo.

Al-Qubba waxaa loo aqoonsan yahay inuu ka mid ahaa aas-aasaasayaashii RSF, isagoo door muuqda ka qaatay dagaallo waaweyn, gaar ahaan kuwii ka dhacay El Fasher. Halkaas ayuu kula dagaallamay saraakiil kale oo ay ka mid yihiin Ali Yaqoub iyo Gedo Ibn Shouk, oo xiriir dhow la leh hoggaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Dagalo.

Ilo militari oo la hadlay Sudan Tribune ayaa tilmaamay in ka gooshadan ay salka ku hayso khilaafyo gudaha ah oo ka jiray RSF. Al-Qubba ayaa laga qaaday xilkii guddoomiyaha militari ee Waqooyiga Daarfuur, iyadoo jagadaas loo dhiibay Ibn Shouk kadib qabsashadii El Fasher bishii Oktoobar 2025. Tani waxay sii hurisay cabashooyin la xiriira takoorid iyo cadaadis lagu hayo ciidamadiisa.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in Al-Qubba uu baxsaday 9-kii Abriil, isagoo ka tegay tuulo lagu naanayso magaciisa oo ku dhow Kutum, kadib markii uu ka badbaaday isku day ay RSF ku doonaysay inay ku qabato kuna wareejiso magaalada Nyala. Waxaa lagu eedeeyay inuu waday abaabul kacdoon gudaha ah—eedeen muujinaysa heerka kala daadsanaanta ee kooxdaasi gaartay.

Dhacdadan ayaa iftiiminaysa kala fogaanshaha sii kordhaya ee gudaha RSF, iyadoo laga cabsi qabo in ay saameyn weyn ku yeelato jihada dagaalka Suudaan ee weli aan la saadaalin karin.

April 20, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

“Iran Awood Lagu ma Maquunin karo..”Madaxweynaha Iran

by Heemaaln April 20, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Iraniyiintu aysan isku dhiibeyn maquunin ka hor inta aan la gaarin suurtagalnimada – welina aan la xaqiijin wadahadalo dheeraad ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.

Waxa uu sheegay in Iran ay kalsooni darro qotodheer oo taariikhi ah ka qabto dawladda Maraykanka, taas oo weli jirta, isaga oo intaa ku daray “in la ixtiraamo ballanqaadyada” waa inay noqotaa “asalka wadahadal macno leh”.

“Dareen aan wanaagsanayn iyo hadalo is burinaya oo ka imanaya saraakiisha Maraykanku waxay xanbaarsan yihiin fariin qaraar; waxay raadinayaan in Iran is dhiibto,” ayuu ku qoray X.

Dhinaca kale Diblomaasiyiin shisheeye ayaa booqday goobo ku yaalla magaalada Tehran oo ay saameeyeen duqeymo cirka ah oo lala xiriirinayo Mareykanka iyo Israa’iil.

Wafdigan ayaa indhahooda ku soo arkay burburka ka dhashay weerarrada, iyagoo kormeeray dhismayaal iyo kaabayaal ku yaalla caasimadda Iran oo waxyeello culus soo gaartay.

April 20, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

SheegImaaraadka Oo Xabsiga Dhigay 27 Qof oo lala Xiriiriyay Una Guuraysa Lacagta Shiinaha

by Heemaaln April 20, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Hay’adda Ammaanka ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa xidhey 27 qof oo ay sheegeen iney qorshaynayeen weerarro lagu beegsanayay dalkaasi, kuwaasi oo lala xidhiidhinayo dowlada Iiraan.

Dadka la qabtay ayaa lagu eedeeyay inay qorshaynayeen falal argagixiso iyo burbur dalkaasi ka dhaca, Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaana sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu ilaalinayo xasilloonida iyo amniga dalkaasi

Imaaraadka Carabta Oo ku War galiyay Maraykanka Inuu Lacagta Shiinaha U Wareegi Doonaan Hadii..

Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku war galiyay dhigiisa Maraykanka in haddii uu adkaado helitaanka doolarku ay suurtagal tahay inay u wareegaan in badeecadda saliidda ku iibiyaan lacagta Shiinaha ee yuan-ta.

Arrintan ayaa muujinaysaa in nidaamka loo yaqaan “petrodollar” oo ah nidaam saliidda adduunka badankeed lagu kala iibsado lacagta doolarka Maraykanka, uu wajihi karo khatar ama isbeddel weyn oo soo food saara.

“Wakhti xaadirkan xittaa way adkeyd in lagu fikiro in laga guuro nidaamka lacagaha doolarka, balse waxaa suurta-galiyay degaalka iiraan iyo bad-xidhanka Gacan Hormuz oo aad moodo in Mareykanku ku sirmay, taas oo fursad weyn sii doonta Shiinaha kana dhigi karta quwadda koowaad ee adduunka”.

April 20, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Madaxweynaha Masar Oo Qaabilay Wafdigii Lataliyaha Trump ee Africa iyo Carabta

by Heemaaln April 20, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo madaxtooyadiisa ku qaabisay Lataliyaha Trump ee Africa iyo Carabta Massad Boulos ayaa u sheegay sida uu diidan yahay qorshaha qorshaha Israel ku kala qaybinaysa Soomaaliya.

“Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa sidoo kale muujiyay dadaallada Masar ay ku bixineyso xasillinta Geeska Afrika, isaga oo si cad u diiday tallaabo kasta oo halis gelin karta amniga iyo xasilloonida dalalka ku yaalla gobolkaas” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar.

Masar ayaa halis wayn u arragta qorshaha Isreal ee geeska Africa.

April 20, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Pakistan Oo Codsi Uga Yimid Sacuudiga ku Hakiyay Heshiis Hub iyo Diyaarado Sudan Lagu Siin lahaa.

by Heemaaln April 20, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Pakistan ayaa hakisay heshiis ku dhaw $1.5 bilyan oo lagu siin lahaa hub iyo diyaarado dalka Sudan, kadib markii Sacuudi Carabiya ay codsatay in heshiiskaas la joojiyo. Sucuudiga ayaa bixin lahaa lacagtaas.

Go’aankan ayaa yimid kaddib talooyin ka yimid dalalka reer galbeedka oo ku boorriyey Riyadh in ay ka fogaato ku lug lahaanshaha dagaallada wakiillada (proxy conflicts) ee ka socda qaaradda Afrika.

Soomaaliya ayaa sidaas oo kale doonaysay in Sucuudiga dhexmarsiisato heshiiska Suudaan mid la mid ah kaas oo muuqda mid fashilmaya.

April 20, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Pakistaan Oo Xoojisay Dadaalada Wada-hadalada Maraykanka Iyo Iran

by Heemaaln April 20, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Pakistan ayaa si xawli ah u kordhisay xiriirrada ay la leedahay Iran iyo Mareykanka, iyadoo calaamado muujinaya in wada-hadallo muhiim ah ay dhowaan ka dhici doonaan Islamabad ay soo baxayaan.

Danjirihii hore ee Pakistan u fadhiyay Imaaraadka, Jamil Khan, ayaa sheegay in xaaladdu si degdeg ah isu beddelayso: Arrimuhu way degdegayaan. 24 ilaa 48 saacadood gudahood, qodobbada muhiimka ah waa la taaban doonaa, wafdiga Iran-na wuu iman doonaa.”

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in Iran ay markii hore mudnaan siisay arrinta Lubnaan, iyadoo doonaysay in lagu daro heshiis xabbad-joojin ah, taas oo si toos ah ugu xirtay wada-hadallada ay la leedahay Mareykanka dagaalka Israel ee Lubnaan. Si kastaba, Khan wuxuu xusay in Trump uu arrintan si xeeladaysan u kala saaray, isaga oo abuuray waddo gaar ah oo wada-hadal, kana fogeeyay isku-xirnaanta labada khilaaf.

Hadda, indhaha ayaa ku sii jeeda wareegga xiga ee wada-xaajoodyada, halkaas oo la filayo in diiradda lagu saaro uranium-ka la hodmiyay ee Iran gaar ahaan sida loo dhimi karo ama loo maareyn karo mustaqbalka.

April 20, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Imaaraadka:-Dood ka Dhalatay Joojitaanka Ciidamada Maraykanka

by Heemaaln April 20, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Aqoonyahan sare oo u dhashay Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in saldhigyada milatari ee Mareykanka ay noqdeen culays halkii ay ka ahaan lahaayeen hanti istiraatiiji ah, isagoo ku baaqay in dib loo eego joogitaankooda.

Abdulkhaleq Abdulla ayaa xusay in Imaaraadku uu muujiyay awood uu isku difaaci karo, gaar ahaan xilli uu wajahayo weerarro ka imanaya Iran, isagoo tilmaamay in dalka uu u baahan yahay hub casri ah halkii uu ku tiirsanaan lahaa saldhigyo shisheeye.

Warbixintu waxay sheegaysaa in Mareykanka uu ku leeyahay ugu yaraan 19 goobood oo milatari Bariga Dhexe, halka imaaraadka Carabta ay martigeliso kumannaan askari iyo saldhigga cirka ee Al Dhafra Air Base.

Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisado milatari ay sii kordhayaan, taasoo si toos ah u saameysay amniga iyo dhaqaalaha gobolka, gaar ahaan gudaha Imaaraadka.

April 20, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

“Israel Waligeed Iguma Qasbin Dagaalka aan la Galay Iran Ee Waxa Igu Qasbay..”Trump

by Heemaaln April 20, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta jawaab ka bixiyay hadalo la isla dhex-marayay islamarkaana ay xisbiga Dimuqraadigu ku eedeynayeen kasoo ahaa in dagaalka Iran ay Israel ku qasabtay Trump inuu si fudud u galay.isagoo arintaasi ka hadlaya ayaa yiri:

“Isra11L waligeed iguma Qancin dagaalka aan la galay Iran. Waxa iga dhaadhiciyay waa wixii dhacay 7-da Oktoobar, oo ahayd maalintii Qasa iyo sidoo kale fikraddayda aan muddo dheer qabay ee ah in Iiraan waligeed aanay helin hub Nukliyeer ah” Donald Trump

Trump ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedada uu ka leeyahay wada-hadalada uu kula jiro Iran waxuuna Yiri:

“Muhiimada ugu weyn ee aanu wadahadallada Iran u galnay waa hal dalab oo aan gorgortan laga geli karin, Iiraan waa inay ka tanaasushaa haysashada hubka nukliyeerka: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

April 20, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 26
  • 27
  • 28
  • 29
  • 30
  • …
  • 92
  • Arteta oo quus taagan, hanjabaadla’aana maanta kaga baxay waraysigiisii

  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Turkiga Oo Soomaaliya U Ansixiyay $30 Milyan Iyo Dhul Safaaradeed.
May 1, 2026
Trump oo ka hadlay soo jeedin cusub oo Iran ah. “Kuma qanacsani”
May 1, 2026
“Deniyow Haddaan Xuquuqdayada Hadda Keeni-weydo Walahi Waan la Dagaalamaynaa Maamulkaaga.” Dhaqanka Beesha Nuux Jibraahiil:
May 1, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home