Sacuudiga Carabiya ayaa Axaddii fuliyay xukun dil ah oo lagu toogtay saddex muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii lagu helay dambi la xiriira gelinta dalkaas maandooriyaha nooca xashiishka, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas.
War-saxaafadeed ay faafisay Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee SPA ayaa lagu sheegay in saddexda nin lagu kala magacaabi jiray Ahmed Adan Abdi Ibrahim, Ahmed Mahmoud Ismail Abdirahman, iyo Mahmoud Abdirahman Ibrahim Hassan.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in raggan la qabtay kadib howlgal amni oo lagu burburiyay shabakad lagu tuhunsanaa tahriibinta daroogada. Kiiskooda ayaa la horgeeyay maxkamad awood leh oo ku xukuntay dil toogasho ah, xukunkaas oo markii dambe ay ansixiyeen maxkamadda rafcaanka iyo maxkamadda sare, ka hor inta aan la helin oggolaanshaha boqortooyada ee lagu fuliyay.
Dilalka ayaa ka dhacay gobolka Najran ee koonfurta Sacuudiga.
Dhanka kale, qaar ka mid ah qoysaska dadka la dilay ayaa sheegay in raggan ay markii hore u safreen Sacuudiga iyaga oo ka yimid dhanka Yemen, isla markaana lagu khiyaaneeyay inay qaadaan daroogo, inkastoo eedeymahaas aan si madax bannaan loo xaqiijin.
Sacuudiga ayaa sii wada olole adag oo ka dhan ah ka ganacsiga maandooriyaha, iyadoo si joogto ah u fulisa xukunnada dilka ee kiisaska la xiriira daroogada.
Sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International, Sacuudiga ayaa sanadkan ilaa bartamihii sanadka fuliyay ku dhowaad 100 xukun dil ah, kuwaas oo intooda badan la xiriireen dambiyada daroogada.
