Thursday, November 5, 2026

Xuutiyiinta oo Dalbaday Dhaqaale si ay u Joojiyaan Dagaalkooda Sucuudiga.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Sacuudi Carabiya ka dalbatay lacag dhan 51 bilyan oo dollar, iyagoo shuruud uga dhigay joojinta weerarrada ay ku hayaan Boqortooyada Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska Mareykanka ee The Wall Street Journal.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in dalabkan uu qeyb ka yahay wada-hadallo la sheegay inay dhexmareen dhinacyada, kuwaas oo looga golleeyahay in lagu gaaro heshiis siyaasadeed iyo mid amni oo soo afjari kara colaadda muddada dheer ka dhex taagneyd Xuutiyiinta iyo Sacuudiga.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay lacagtaas ku tilmaameen magdhow ka tarjumaya khasaaraha ka dhashay duqeymihii cirka ee Sacuudigu sannado badan ka waday Yemen iyo xannibaadihii dhaqaale iyo ganacsi ee saameeyay deegaannada ay maamulaan. Waxay ku doodayaan in lacagtaasi qayb ka noqon karto dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada dalka.

Waxaa intaas dheer in kooxda Xuutiyiinta ay Sacuudiga ka dalbatay inuu si rasmi ah ugu aqoonsado maamulka ay hoggaamiyaan inuu yahay dowladda Yemen. Dalabkaas ayaa Riyadh gelinaya xaalad adag, maadaama muddo dheer ay taageeraysay dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, iyadoo dagaal kula jirtay Xuutiyiinta oo xiriir dhow la leh Iran.

Dalabkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada Yemen, gaar ahaan kaddib markii Xuutiyiintu ay la wareegeen magaalada dekedda leh ee Al-Mokha iyo jasiiradda Perim, oo ku dhow marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

Marinkan oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa muhiimad weyn u leh ganacsiga caalamiga ah, maadaama maraakiibta shidaalka iyo badeecadaha isaga kala goosha Aasiya, Yurub iyo dalalka kale ee dunida ay adeegsadaan. Qabsashada Al-Mokha ayaa Xuutiyiinta siisay awood dheeraad ah oo ay saameyn ugu yeeshaan isu socodka maraakiibta ee koonfurta Badda Cas.

Dhanka kale, dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa horumar ka sameeyay furimaha dagaalka, iyagoo u soo dhowaaday magaalada Cadan oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay. Warbixin ay Reuters baahisay 2-dii Nofeembar ayaa sheegtay in ciidamada Xuutiyiintu ay u soo dhowaadeen masaafo qiyaastii 80 kiiloomitir u jirta magaaladaas.

Sacuudi Carabiya ayaa hadda wajahaysa xaalad adag, iyadoo ay tahay inay go’aan ka gaarto sidii ay u xaqiijin lahayd amniga xuduudaheeda iyo in la soo afjaro weerarrada Xuutiyiinta. Riyadh ayaa sidoo kale ka walaacsan in heshiis kasta oo ay la gasho kooxda uu horseedi karo in maamulka Xuutiyiinta loo aqoonsado awoodda rasmiga ah ee Yemen.

Ilaa hadda dowladda Sacuudiga kama aysan hadlin dalabka la sheegay iyo wada-hadallada ay warbaahintu tabisay, mana jiro heshiis rasmi ah oo labada dhinac ay shaaciyeen.