Diyaaraddii Iiraan ee wafdiga Xuutiyiinta ka soo qaaday Tehran ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Xudaydah ee galbeedka Yemen, taasoo ka dhigan Xuutiyiinta inay jebiyeen go’doomintii Sacuudiga iyo dawladda uu taageerro ee Yemen ay ku hayeen garoomada diyaaradaha goobaha ay maamullaan Xuutiyiinta.
Diyaaradan ayaa markii hore qorsheynaysay inay ka degto garoonka diyaaradaha Sanca , balse xilligii ay ka degi lahayd waxaa garoonka gantaallo ku qarxiyay dawladda uu taageerro Sacuudiga, laakiin si ka duwan garoonka Sanca ma jirin wax weerar ah oo ka dhacay garoonka Xudaydah markii diyaaradan ay ka degaysay.
Maxay ka dhigantahay xaaladan?
Waxay u muuqataa aragtidayda degitaanka diyaaradda Iiraan ee garoonka diyaaradaha Xudaydah inay muujinayso in dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay iyo xulafada taageerta aysan doonayn in xaaladda si weyn loo sii kiciyo.
Macnaha arrintu waa in cidda awood militari u leh inay duqeyso garoonka diyaaradah Sanca ay sidoo kale awood u leedahay inay duqeyso garoonka diyaaradaha Xudaydah, kana hor istaagto diyaaradda inay ku degto.
Sidoo kale, haddii dawladda uu Sacuudigu taageerro ay doonayeen inay xiisadda si weyn u kordhiyaan, waxay awood u lahaayeen inay hawada ku soo ridan diyaaradan.
Sidaas darteed, waxaa la fasiran karaa in diyaaradda laga hor istaagay inay ku degto Sanca, balse loo oggolaaday ama laga aamusay degitaankeeda Xudaydah.
Taas macnaheedu wuxuu noqon karaa in xulafadu kubbadda xiisadda ku tuureen dhinaca Xuutiyiinta, iyagoo sugaya tallaabada ay qaadi doonaan.
Sidaa darteed, waxaa la sugayaa maalmaha soo socda si loo arko jawaabta Xuutiyiinta, inkastoo ay horey u soo saareen warsaxaafadeed ay ku sheegayaan in ay soo afjareen xabbad-joojintii ay kula jireen dawladda uu Sacuudigu taageerro oo jawaab militari ka bixin doonaan weerarkii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Sanca ee looga hor istaagay wafdiga Xuutiyiinta inay ka degaan Sanca. See less
