Dekadda Magaalada Boosaaso ayaa Xidhan tan iyo Bilowgii bishan Julay sababo la Xidhiidha Cashuur xad Dhaaf ah oo Maamulka Puntland ku Soo rogay Badeecadaha Ganacsatada Soomaaliyeed kala Soo degayaan Dekedda Boosaaso.
Dekedda Magaalada Boosaaso ayaa Gacanta u gashay Shirkada Laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta ee loo yaqaano DP World tan iyo Sanadkii 2022 ka.
DP World waxay ka baxday Balanqaadyo badan oo ay la gashay Puntland kaasi oo ujeedkiisu ahaa in lagu balaadhiyo Dekadda Magaalada Boosaaso oo ah tan ugu Balaadhan ee ay adeegsadaan Ganacsatada Soomaalidu.
Kulanka ay Maanta Yeesheen Ganacsatada Puntland iyo Maamulka Denni ayaa ku Soo Dhamaaday natiijo la,aan ka dib Markii Masuuliyiinta Puntland ku adkaysteen in ay bixiyaan korodhsiimada Cashuurya Dekedan oo gaadhaysa 50%.
