Trump ayaa waraysi ay waxyar ka hor sii deysay Fox News, wuxuu ku amray israel inay ka baxdo dhulka Suuriya iyo koonfurta Lubnaan. waxuuna yiri: “Waa in Israa’iil ay ka baxdo Suuriya iyo koonfurta Lubnaan.”
Wuxuu intaa ku daray; “Madaxweynaha Suuriya,Axmed Sharac ayaa la wareegi doona arrinta Xisbullah isaga oo aan burburin dhismayaasha, wuxuuna u dhaqmi doonaa si ka taxaddar badan Israa’iiliyiinta.”
Trump si faahfaahsan uga hadlin sida madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac uu uga howlgeli doono koonfurta Lubnaan, ka dibna meesha ka saari karo ururka Xisbullah.
Balse , waxay u muuqataa inuu bixinayo tilmaam ah Sharac inuu la dagaallami doono Xisbullah, ka dibna taa ku beddelanayo inay Israa’iil ka baxdo dhulka Suuriya,xilli ay jiraan Suuriyaan badan oo doonaya inay ka aargoostaan Xisbullah.
Laakiin Suuriyada cusub ee Sharac uu hoggaamiyo ma furi karta bog ay kula dagaallamayso Xisbullah oo leh awood iska caabin oo ka khibrad badan nidaamka Sharac.
