Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa bixiyay in ka badan $5 milyan oo magdhow ah oo la siiyay qoraaga E. Jean Carroll, saddex sano ka dib markii maxkamad madani ahi ku heshay in uu kula kacay xadgudub galmo, islamarkaana uu sumcaddeeda dhaawacay, sida ay xaqiijiyeen qareemada Carroll.
“Maanta waxaan ku faraxsanahay inaan sheegno inay heshay lacagtii magdhowga ahayd ee guddiga xeerbeegtidu ugu xukumeen natiijada go’aankaas,” ayay tiri Roberta Kaplan, oo ah qareenka Carroll, bayaan kooban oo ay soo saartay Talaadadii.
Trump wuxuu isku dayey in uu dib u dhigo bixinta lacagta si uu uga codsado Maxkamadda Sare ee Maraykanka in ay dib uga fiirsato go’aankeedi ahaa inaysan qaadan racfaankiisa. Hase yeeshee, toddobaadkii hore garsoorihii kiiska gacanta ku hayay ayaa ku amray in uu si degdeg ah u bixiyo magdhowga.
Wakiil ka socday kooxda sharci ee difaacayey Trump ayaa diiday in uu wax faallo ah ka bixiyo magdhowga.
Bayaan ay soo saareen qareennada Carroll ayaa xaqiijiyay inay heshay in ka badan $5.62 milyan, taas oo ka kooban $5 milyan oo magdhow ah iyo dulsaarkii ku kordhay muddadii uu racfaanku socday.
Carroll oo hore u ahayd qoraa maqaal joogto ah ka qori jirtay majallad, islamarkaana hadda jirta 82 sano, ayaa ku eedaysay Trump in uu bartamihii sagaashamaadkii ku weeraray qol la iskula cabbiro dharka oo ku yaalla dukaanka Bergdorf Goodman ee degmada Manhattan ee magaalada New York, ka dibna uu sumcaddeeda ku dhaawacay qoraal uu sannadkii 2022 ku daabacay bartiisa Truth Social, isagoo beeniyay eedeymaheeda.
Sannadkii 2023, guddi xeer-beegti ah oo ku sugan New York ayaa cod mideysan ugu xukumay Carroll magdhowga ay dalbanaysay. Trump ayaa dhankiisa diiday dhammaan eedeymaha loo jeediyay.
Wax yar kadib markii xukunka la gaaray, Trump wuxuu lacagta magdhowga ku shubay akoon ay maxkamaddu maamusho, halkaas oo lagu hayey inta uu socdey geeddi-socodka racfaanka.
