Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Haashimiyiinta ee Urdun, ayaa maanta booqday Xarunta Tababarka Ciidamada Gaarka ah ee Boqor Cabdalla II (King Abdullah II Special Operations Training Center – KASOTC), oo ka mid ah xarumaha ugu casrisan dunida ee lagu tababaro ciidamada gaarka ah iyo la-dagaallanka argagixisada.
Wasiirka ayaa xarunta waxaa ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee KASOTC, Sarreeye Guuto Khulduun Xuseen Irshidaat, oo warbixin faahfaahsan ka siiyay qaabka ay xaruntu u shaqeyso, noocyada tababarrada lagu bixiyo iyo kaalinta ay kaga jirto diyaarinta ciidamada gaarka ah ee dalal badan oo caalamka ah.
Intii uu socday booqashada, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta, isagoo indha-indheeyay goobaha tababarka, qalabka casriga ah iyo farsamooyinka loo adeegsado diyaarinta ciidamada fuliya hawlgallada gaarka ah, la-dagaallanka argagixisada, badbaadinta dadka la afduubay iyo hawlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Mas’uuliyiinta KASOTC ayaa sidoo kale wasiirka u soo bandhigay awoodaha farsamo iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee xaruntu ku tababarto ciidamada, kuwaas oo la jaanqaadaya heerarka ugu sarreeya ee caalamiga ah.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee kala dhexeeya Boqortooyada Urdun, iyadoo diiradda la saarayo kor u qaadista tayada ciidamada Soomaaliyeed, isdhaafsiga khibradaha ciidan iyo ballaarinta fursadaha tababarka ee ciidamada gaarka ah.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay dowladda Urdun iyo maamulka KASOTC soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in tababarrada casriga ah iyo iskaashiga noocan oo kale ahi ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh difaaca dalka iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada.
Booqashada ayaa la filayaa inay sii xoojiso xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Urdun, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, horumarinta xirfadaha ciidanka iyo iskaashiga amniga gobolka.




