Gacan ku dhiiglihii loo haystay dilka Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Guleed Kadleeye, ayaa saakay lagu fuliyay xukun qisaas ah, kaddib markii ay ku heshiiyeen qoyska marxuumka iyo qoyska eedeysanaha.
Ninka la qisaasay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Kooshin, ayay ciidamada ammaanku soo qabteen saacado yar kaddib dilkii taliyaha, waxaana loo gudbiyay hay’adaha garsoorka oo ku riday xukun dil ah, kaas oo saakay laga fuliyay degmada.
Qoyska marxuumka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku qanceen caddaaladda, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in qof kaste oo dil bareer ah geysta si degdeg ah loogu fuliyo caddaaladda. Waxay u mahad celiyeen ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay dambiilaha oo markii uu falka geystay baxsaday.
Fulinta xukunka qisaasta ayaa soo afjartay kiiska dilka taliyaha.
Sarkaalka loo qisaasay ahna taliyaha Jarriiban Guleed Kadleeye ayaa ka mid ahaa ciidamadii Gorgor ee tababarka ku soo qaatay Turkiga xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ka tirsanaa saraakiishii dhowaan loo kala diray degmooyinka Puntland si loo xoojiyo amniga.
