Maraykanka iyo Morocco Oo Wada-jir u Dhisaya Xarun Casri ah oo Tababarada Ciidanka iyo Adeegsiga Diyaaradaha Drones

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maraykanka iyo Morocco ayaa wada qorshe lagu dhisayo xarun casri ah oo lagu tababaro ciidamada iyo adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), taas oo la filayo inay shaqo bilowdo ka hor sanadka 2030.

Xaruntan ayaa diiradda saari doonta tababarka ciidamada Afrika ee dhinacyada sirdoonka, la-dagaallanka argagixisada, kormeerka hawada iyo qorsheynta hawlgallada militari.

Morocco ayaa sare u qaaday kharashaadka difaaca waxayna sii ballaarinaysaa awooddeeda ciidan, halka Maraykankuna uu u arko dalkaas xulafo istaraatiiji ah oo muhiim u ah joogitaanka iyo fulinta hawlgallada gobolka, gaar ahaan wadamada saaxilka Afrika iyo Bariga Dhexe.

Sikastaba ha noqdee Qorshahan ayaa kusoo beegmaya xilli loollanka awoodda militari ee Waqooyiga Afrika uu sii xoogeysanayo.