Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Raysalwasaaraha Israa’iil Netanyahu aan si walba oo ay tahay loo xidhi doonin inta uu ku sugan yahay dalka Mareykanka.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay in Netanyahu uu dagaal kula jiro Iiraan oo ah tii dhowaan dishay 52,000 oo dibad-baxayaal ah oo aan waxba galabsan, islamarkaana muddo 47 sano ah wadday dilka askarta Mareykanka iyo dad kale.
Wuxuu sheegay in haddii cid la xidhayo ay tahay oo keliya in la xidho dadkii Iiraan u horseeday dhibaatadan ba’an ee dhimashada iyo burburka leh.
Waxaa xusid mudan in Maayarka Magaalada New York, Zohran Mamdani uu sheegay in xafiiskiisu uu raadinayo talo sharci oo ku saabsan xadhigga Netanyahu marka uu yimaaddo kulanka Qaramada Midoobay.
Dhinaca kale Iran ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu dagaal weyn u diyaargaroobayo isagoo dhanka kalena nabad sheegaya
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Iran ay “dagaal buuxa” kula jirto Maraykanka, halka Baxrayn ay ku eedeysay Tehran in ay bartilmaameedsatay qalabka hagista duulimaadyada rayidka.
“Xaqiiqdu waxay tahay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ku jirto dagaal buuxa”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo intaas ku daray, “Waa in aan xaqiiqada wajahnaa oo aan aqbalnaa cawaaqibka ka dhalanaya iska caabbintan.”
Dhanka kale, afhayeenka baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa ku eedeeyay Maraykanka in uu iska dhigayo dal nabad raba hadana oo uu dhanka kale xoojinayo militeriga u jooga gobolka.
Mr. Qalibaf, oo ah madaxa wada-xaajoodyada Iran ee Maraykanka, ayaa bartiisa X ku qoray sidan, “Maraykanku si joogto ah ayuu gobolka u keenayaa qalab militari oo cusub, isagoo haddana sheeganaya in uu doonayo in dagaalka la joojiyo. Waxay ku tiirsan yihiin sirdoonkooda iyo garaadkooda xaddidan. Annaguna waxaan gaarnay heer aan si buuxda u garan karno xeeladahooda, waxaana u diyaargarownay. Ficilladu iyo hadallada waa in aysan iska hor’imaan”.
Hadalka Qalibaf ayaa soo baxay xilli qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka ay sheegayaan in Maraykanku uu gobolka u dirayo diyaarado dagaal oo dheeraad ah, iyadoo lagu tilmaamay in ay qayb ka yihiin diyaar-garowga “dagaal buuxa” oo ka dhan ah Iran.
