Culimada Laascaanood oo ku Baaqday in la Maxkamadeeyo Maxaabiista Dagaalka Somaliland

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Qaar ka mid ah culimada magaalada Laascaanood ayaa maanta oo jimca ah ugu baaqay maamulka Waqooyi-Bari in si waafaqsan sharciga loo maro arrinta maxaabiista dagaalka ee lagu qabtay dagaalladii ka dhacay deegaannada Waqooyi Bari

Culimadu ayaa sheegtay in haddii ay jiraan eedeymo la xiriira falal ay geysteen maxaabiista xilligii dagaalka loo baahan yahay in maxaabiista la horkeeno maxkamad awood u leh dhegeysiga dacwadahooda, si loo xaqiijiyo caddaalad iyo isla-xisaabtan.

Waxay sidoo kale xuseen in hannaanka garsoorka uu yahay waddada ugu habboon ee lagu kala saari karo qofka wax lagu helo iyo qofka aan waxba lagu helin, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda maxaabiista iyo habraacyada sharciga ah.

Baaqa culimada ayaa imanaya xilli dooddu ka taagan tahay mustaqbalka maxaabiista lagu qabtay dagaalladii u dhexeeyay maleeshiyadka SNM iyo ciidamada Waqooyi Bari