Sida lagu daabacay boggaga rasmiga ah wasaaradda Arrimaha dibadda ee dawladda Guinea-Bissau, waxa ay beenisay in ay aqoonsatay Somaliland iyada oo sheegtay in aanay waxba ka jirin warar ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta luuqaddaha Ingiriisiga wax ku tabiya iyo baraha bulshada.
Guinea-Bissau waxa ay sheegtay in ay ixtiraamayso madaxbannaanida iyo xuduudaha waddamada Afrikaca iyo xeerarka Qaramada midoobay.
Xukuumadda Somaliland marna may sheegin aqoonsigan ay Guinea-Bissau beeninayso.
Habeenkii xalay waxa soo baxay warar xooggan oo sheegaya in waddanka Africaan ah uu aqoonsanayo Somaliland.
