Iran Oo Hor-istaagtay Saddex Markab oo ka Gudbi lahaa Marinka Hormuz

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay dib u celiyen saddex markab oo la sheegay inay “isku dayayeen inay maraan marin-biyoodka Hormuz” subaxnimadii Jimcaha, 27-ka Maarso.

War-saxaafadeed kasoo baxay xiriirka dadweynaha ee IRGC ayaa lagu yiri: “Saddex markab oo xamuul ah oo ka kala yimid dalal kala duwan ayaa isku dayay inay u dhaqaaqaan marinka loo qoondeeyay maraakiibta la oggol yahay.

Waxaa dib loo celiyay kadib markii ciidamada badda ee IRGC ay u direen digniin.”

Waxaa kale oo lagu sheegay war-saxaafadeedka in “Marin-biyoodka Hormuz uu xiran yahay, isla markaana isku day kasta oo lagu gudbo lagu wajihi doono jawaab adag.”

Waxaa kale oo intaasi lagu daray: “Socodka markab kasta oo u kala goosha dekedaha ay leeyihiin xulafada iyo taageerayaasha Maraykanka iyo Israa’iil, kuna socda meel kasta iyo marin kasta, waa mamnuuc.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa laba maalmood ka hor telefishinka dowladda ka sheegay in Iran ay oggolaatay codsiyo maritaan oo ka yimid dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Ruushka, Pakistan, Ciraaq iyo Hindiya.

Wuxuu sheegay in marka laga eego aragtida Iran, marin-biyoodku “uusan si buuxda u xirnayn, balse uu ka xiran yahay cadowga.”

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.