Turkiga Oo Sheegay in Dawlada Shiinaha Lacag Badan ku Bixinayso Olole Dadweyne Oo Gudaha Turkiga ah.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wargeyska Middle East Eye oo u jenjeera nidaamka Erdogan ee Turkiga ayaa sheegay in dawladda Shiinaha ay bilowday olole xiriir dadweyne oo ballaaran gudaha Turkiga, iyadoo lacag badan siinaysa dadka baraha bulshada caanka ka ah ee ku sugan gudaha Turkiga, ka dib markii la hakiyay qorshihii dhismaha warshad ay shirkadda baabuurta korontada ee BYD ka sameyn lahayd Turkiga.

Dawladda Turkiga ayaa dadaal weyn gelisay soo jiidashada maalgashiga BYD, iyadoo shirkadda siisay dhiirrigelin dhaqaale iyo cashuur-dhimisyo ku saabsan iibka baabuurteeda gudaha Turkiga, xitaa ka hor inta aan la bilaabin dhismaha warshadda. Hase yeeshee, BYD ayaa markii dambe hakisay qorshahaas, iyadoo mudnaanta siisay ballaarinta wax-soo-saarkeeda Yurub.

BYD ayaa sannadkii 2025 Turkiga ku iibisay in ka badan 45,000 oo baabuur, taasoo shirkadda siisay faa’iidooyin waaweyn oo ka dhashay dhiirrigelinta iyo cashuur-dhimisyadii oo gaaraysa hal bilyan oo doolar.

Si kastaba, go’aanka Shiinaha ee hakinta dhismaha warshadda ayaa dhaawacay sumcadda BYD ee gudaha Turkiga, waxaana soo baxay dhaleeceyn iyo niyad-jab ka yimid qaar ka mid ah macaamiisha iyo bulshada Turkiga oo u arkayay in Ankara ay dadaal badan u gashay soo jiidashada maalgashigaas.

Sidaas darteed, Beijing ayaa hadda wadday olole lagu hagaajinayo sawirka Shiinaha iyo shirkadda BYD ee Turkiga, iyadoo adeegsanaysa xiriirro warbaahineed, baraha bulshada iyo dad caan ah oo gudaha dalka ah.