Tuesday, August 11, 2026

Wakiillada Beesha-Caalamka Oo la Kulmay Guddiga Doorashooyinka Federaalka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wakiillada Beesha-caalamka ee Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Turki, Itoobiya, Kenya, Suudan iyo Masar, Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashi Islaamka ayaa la kulmay Guddiga Doorashooyinka Federaalka.

Gudoomiyaha Guddiga Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Beesh-caalamka u sharraxay Doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, iyo Doorshooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Degeenka iyo Golaha Wakiilada ee ka qabsoomay Dawlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Doorashooyinka isku-sidkan ee qorsheysan inay ka qabsoomaan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.

Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka oo iyaguna dhankooda su’aalo iyo hadalo kajeediyay kulanka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaan dimuqraadi ah oo awoodda doorashada dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay Guddiga kala shaqeynayaan hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo lagu kalsoonaan karo. See less