Dalka ay ku yaalan jasiiradaha loo dalxiis tago ee Maldives ayaa soo saaray go’aan looga hortagayo qof kasta oo haysta dhalashada Israa’iil inuu soo galo waddanka, sababo la xiriira go’doonka iyo xasuuqa Israa’iil ay ka wado Qasa.
Xafiiska Madaxweynaha Maldives, oo go’aankan soo saaray ayaa xaqiijiyay inay golaha wasiirrada soo saari doonaan sharci cusub oo ka hortagaya inay Israa’iiliyiinta soo galaan Maldives, iyadoo sidoo kale la dhisayo guddi kormeera.