Saturday, August 15, 2026

Maxkamad Mareykan ah Oo Maamulka Trump U Fasaxday In la Mastaafuriyo 1,100 Somali ah.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Garsoore federaal ah oo Mareykan ah ayaa Jimcihii waddada u furtay maamulka Madaxweyne Donald Trump inuu meesha ka saaro ilaalinta sharci ee ku-meelgaarka ah ee ay haystaan ku dhawaad 1,100 qof oo Soomaali ah, taas oo ilaa hadda ka ilaalinaysay in dalka laga masaafuriyo, isla markaana u oggolaanaysay inay si sharci ah uga shaqeystaan gudaha Mareykanka.

Garsoore Allison Burroughs oo ka tirsan Maxkamadda Federaalka ee Boston ayaa oggolaatay in Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka, DHS, ay soo afjarto Temporary Protected Status (TPS) ee Soomaaliya. Go’aanka ayaa yimid kaddib markii Maxkamadda Sare ee Mareykanka bishii June ay u oggolaatay maamulka Trump inuu soo afjaro ilaalinno la mid ah oo ay haysteen kumannaan muhaajiriin ah oo ka soo jeeda Haiti iyo Suuriya.

Maxkamadda Sare, oo ay ku badan yihiin garsoorayaasha muxaafidka ah, ayaa cod 6-3 ah ku xaddiday awoodda maxkamadaha hoose ay u leeyihiin inay dib u eegaan go’aannada DHS ee lagu joojinayo TPS-ka dalalka loo aqoonsaday inay xaaladooda bani’aadamnimo darteed u baahan yihiin ilaalin gaar ah.

Toddobaadkii hore, laba garsoore oo kale ayaa sidoo kale u oggolaaday maamulka Trump inuu soo afjaro TPS-ka muwaadiniinta Koonfurta Suudaan iyo Myanmar. Ilaa hadda, joojinta TPS-ka Itoobiya ayaa weli waxaa hor istaagaya amar maxkamadeed.

Wasiiraddii hore ee Amniga Gudaha Mareykanka, Kristi Noem, ayaa bishii January ku dhawaaqday qorshaha lagu soo afjarayo TPS-ka Soomaalida. Waxay ku doodday in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay, inkastoo dalka uu weli wajahayo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

Garsoore Burroughs, oo xilka garsoorenimada loo magacaabay xilligii madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, ayaa bishii March hor istaagtay in go’aanka Noem uu dhaqan galo. Kiiska waxaa maxkamadda geeyay afar Soomaali ah iyo laba urur oo u dooda xuquuqda muhaajiriinta, oo uu ka mid yahay African Communities Together.

Dhinaca kale, dacwoodayaasha ayaa ku dooday in go’aanka maamulka Trump uu salka ku hayo eex ka dhan ah muhaajiriinta aan caddaanka ahayn. Waxay maxkamadda u gudbiyeen hadallo hore oo Madaxweyne Trump uu Soomaalida ku tilmaamay erayo aflagaado ah, oo ay ku jiraan “qashin” iyo “dad garaadkoodu hooseeyo.”

Kaddib go’aankii Maxkamadda Sare, Garsoore Burroughs waxay soo saartay amar cusub oo si ku-meelgaar ah u sii waday xannibaadda joojinta TPS-ka Soomaalida, iyadoo ay qiimeyneysay in dacwoodayaashu ay weli haystaan waddo sharci oo ay kaga hor imaan karaan tallaabada DHS, gaar ahaan qodobo aanu go’aankii Maxkamadda Sare si toos ah uga hadlin.

Go’aanka cusub ayaa halis gelinaya xaaladda sharci ee boqolaal Soomaali ah oo muddo dheer ku noolaa Mareykanka, kuwaas oo TPS-ku siinayay fursad ay ku sii joogaan dalka iyo inay si sharci ah uga shaqeystaan.