Puntland oo Gacanta ku Dhigtay Kooxo Hubaysan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Booliska Gobolka Karkaar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen koox maleeshiyaad hubaysan ah oo jidgooyo dhigtay duleedka bari ee magaalada Qardho.

Sida uu sheegay taliska Booliska Karkaar, maleeshiyaadka ayaa carqalad ku hayay isu socodka shacabka iyo gaadiidka, waxaana lagu qabtay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen aaggaasi.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu qabtay hubkii ay wateen maleeshiyaadka, sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Karkaar.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/sare Bashiir Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Madaxtooyada Gobolka Karkaar, Gaashaanle Cabdi Xirsi Aadan.

Labada taliye ayaa howlgalka ka fuliyay duleedka bari ee Qardho xilli ay kasoo laabteen deegaanka Kuur-ilaalo ee degmada Rako-raaxo, iyadoo ciidamada ay qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo isu socodka waddada.

Taliska Booliska Gobolka Karkaar ayaa sheegay inuusan u dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay jidgooyo dhigato, cabsi geliso shacabka ama carqalad ku noqoto amniga iyo kala dambeynta.

Booliska ayaa sidoo kale xusay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida gobolka.