Trump Oo Duqayn Adag Ugu Hanjabay Dalka Cumaan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu duqeyn doono dalka Cumaan haddii ay “dhex gasho” wadahadalada Mareykanka uu la leeyahay Iran, sida ay ku warrantay Fox News.

Weriye ka tirsan Fox News, ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu hadalkan ka sheegay wareysi taleefoon ah oo uu bixiyay Isniintii, kaas oo uu sidoo kale ku sheegay in Mareykanka uu xiriir toos ah la leeyahay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC).

Dhinaca kale, IRGC ayaa markii dambe diidday inay ku jirtay wadahadallo ay la lahayd Mareykanka. Hase yeeshee, saraakiisha Iran ayaa Isniintii sheegay inay ku dhow yihiin inay soo gabagabeeyaan heshiis ay la galayaan Mareykanka oo ku saabsan maraakiibta marin-biyoodka Hormuz.

Dhinaca kale, Heshiiskii Is-fahanka ee ahaa 60-ka maalmood ayaa ku eg Isniintan. Is-fahankaasi wuxuu ahaa ballanqaad labada dhinac ah oo ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Iran si ay u sii wadaan wadahadalada si loo gaaro heshiis kama dambeys ah.

Dalka Cumaan oo sheegay inuu yahay dal dhexdhexaad ah khilaafkan, ayaa waxaa soo gaaray duqeymo dhawr ah oo uga yimid dhinaca Iran tan iyo markii uu khilaafku qarxay. Si kastaba ha ahaatee, Cumaan waxay hadda door ku leedahay la-xaajootanka Iran si loo furo marin-biyoodka.

Tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerareen Iran bishii Febraayo, Tehran waxay inta badan xirtay marin-biyoodka muhiimka ah kaas oo ay maraan qiyaastii shan meelood meel shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee caalamka. Dib u furistiisa ayaa ahayd qodob muhiim ah oo laga doodayay.

Washington waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u xaqiijin lahayd dib u furista marin-biyoodkaas. Weriye ka tirsan Fox oo lagu magacaabo Trey Yingst ayaa soo xigtay Trump oo leh: “Haddii Cumaan ay dhex gasho, waanu duqeyn doonaa iyaga.”