Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa sheegay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee lagu laalay natiijadii doorashadii Baarlamaanka Galmudug iyo goleyaasha deegaanka, taas oo dhacday 30-kii July 2026.
Guddigu wuxuu sheegay in uu u hoggaansami doono go’aanka Maxkamadda Sare, isla markaana uu dib uga shaqeyn doono qabashada doorasho cusub oo Galmudug ka dhacda, iyadoo la raacayo Dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka khuseeya habraaca doorashooyinka.Maxkamadda Sare ayaa 24-kii August go’aamisay in doorashadii 30-ka July aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka, iyadoo sheegtay in khaladaadkii dhacay ay saameeyeen hufnaanta, xorriyadda iyo cadaaladda doorashada. Maxkamaddu waxay amartay in doorashada dib loo qabto sida ugu dhaqsaha badan ee macquulka ah.
Doorashadii la laalay ayaa ahayd mid muhiim u ahayd qorshaha Soomaaliya ee u gudbista nidaamka qof iyo cod, iyadoo codbixintu ka dhacday 11 degmo oo Galmudug ah. Doorashada ayaa laba jeer dib loo dhigay ka hor inta aan la qaban 30-kii July, iyadoo guddiga doorashooyinku xilligaas sheegay in dib-u-dhacyadu ay la xiriireen diyaar-garowga iyo codsiyada ururrada siyaasadeed.
Maxkamaddu waxay sidoo kale go’aamisay in hay’adaha hadda jira ee Galmudug ay sii shaqeeyaan ilaa laga dhisayo hay’ado cusub oo si sharci ah uga dhasha doorashada dib loo qabanayo, si looga fogaado firaaq maamul iyo hakad ku yimaada adeegyada dowladda.
Guddiga doorashooyinka ayaa hadda laga sugayaa inuu soo diyaariyo jadwal cusub iyo habraaca doorashada, iyadoo la filayo in faahfaahinta xilliga iyo goobaha doorashada dib laga shaacin doono. Go’aankan ayaa Galmudug dib ugu celinaya marxalad cusub oo doorasho, iyadoo dhinacyada siyaasadda laga doonayo inay ka qayb qaataan hannaan cusub oo waafaqsan sharciga.

