Somaliya oo ku Celisay Taageeradeeda Qadiyada Falastiin.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ayaa hoggaamiyey wafdiga Soomaaliya ee ka qaybgalay kalfadhigii 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga.

Kalfadhigan degdegga ah ayaa diiradda lagu saaray xaaladda sii murugaysan ee Falastiin iyo magaalada barakeysan ee Al-Quds Al-Shariif, iyadoo dalalka xubnaha ka ah OIC ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa mowqifka iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo shacabka Falastiin.

Soomaaliya ayaa shirka ka sheegtay mowqifkeeda ku aaddan qaddiyadda Falastiin, iyadoo mar kale xaqiijisay taageerada ay u hayso shacabka Falastiin iyo xaqooda ku aaddan nabad, caddaalad iyo in la helo xal siyaasadeed oo waara.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in xal kasta oo laga gaarayo colaadda uu noqdo mid waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta shacabka iyo in la soo afjaro dhibaatada bani’aadannimo ee ka jirta dhulka Falastiin.

Shirka waxaa sidoo kale lagu doortay diblomaasiga Mauritania Ismaaciil Ould Sheekh Axmed inuu noqdo Xoghayaha Guud ee cusub ee OIC, isagoo xilka qaban doona muddada 2027 ilaa 2032.

Soomaaliya ayaa ugu hambalyeysay Sheekh Axmed doorashadiisa, iyadoo u rajeysay inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka loo igmaday. Dowladda ayaa sidoo kale ammaan u jeedisay Xoghayihii Guud ee xilka ka degaya, Xuseen Ibraahim Taha, oo hayay hoggaanka ururka muddadii lasoo dhaafay.

Soomaaliya waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo isku-duubnida dalalka Muslimiinta, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo arrimaha kale ee danaha guud ee dalalka xubnaha ka ah OIC.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda Falastiin ay weli tahay mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee ay si dhow ula socdaan dalalka Muslimiinta iyo bulshada caalamka, iyadoo OIC ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu taageerayo shacabka Falastiin laguna raadinayo xal siyaasadeed oo waara.