Saturday, August 29, 2026

Masar oo ka Falcelisay Tallaabo Mareykanku Qaaday oo Saameyn ku yeelatay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Baanka dalka Masar, oo ka mid ah bangiyada ugu waaweyn dalkaas, ayaa sheegay inuu tallaabo ka qaadi doono go’aanka Waaxda Maaliyadda Mareykanka ee lagu xannibay laamaha bangiga ee ku yaalla Imaaraadka Carabta inay galaan nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka.

Bangigu wuxuu war-saxaafadeed ku sheegay in laantiisa Imaaraadka ay weli macaamiisha u sii adeegayso, iyadoo adeegyada bangiga loo fulinayo si waafaqsan sharciyada iyo habraacyada khuseeya.

Tallaabada Mareykanka ee ka dhanka ah Bangiga Masar ayaa ka mid ahayd tallaabooyinkii ugu horreeyay ee Washington si cad u qaaday, iyadoo ujeeddadu tahay in la go’doomiyo dhaqaalaha Iran. Tallaabada ayaa loo qorsheeyay inay dhaqan gasho 30 maalmood gudahood.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay inay laamaha Bangiga Masar ee ku yaalla Imaaraadka ka jari doonto nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka, iyadoo sabab uga dhigtay macaamilado maaliyadeed oo ay la sameeyeen Iran iyo taageerada ay siiyeen dowladda Iran.

Bangiga Masar ayaa hadda sheegay inuu qaadi doono tallaabooyinka sharci iyo kuwa nidaam-raaca ee lagama maarmaanka ah, isla markaana uu la xiriiri doono Waaxda Maaliyadda Mareykanka muddada loo qabtay inta lagu jiro.

Bangiga Dhexe ee Masar ayaa Jimcihii sheegay in cunaqabateynta Mareykanka ee la xiriirta Iran ee lagu soo rogay Bangiga Masar ay saameynayso oo keliya laamaha bangiga ee ku yaalla Imaaraadka Carabta, ayna khusayn bangiyada kale ee Masar.