Tuesday, September 1, 2026

Laba Markab oo Shidaal ka Qaaday Sacuudiga, Oo Lagu Weeraray Marinka Hormuz..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Laba markab oo shidaala, oo mid kasta sida laba milyan oo foosto oo shidaal cayriin ah oo uu ka soo qaaday Sacuudiga, ayaa la weeraray xilli ay ka sii baxayeen marin-biyoodka Hormuz, sida ay maanta werisay Reuters.

Waxa loo adeegsaday weerarka labada markab weli lama aqoonsan, balse waxaa la xaqiijiyay in dhammaan shaqaalihii saarnaa ay badqabaan.

Mid ka mid ah maraakiibta, Sidr, waxaa laga leeyahay Sacuudiga, halka markabka kale, Senegal Prosperity, uu ku safrayay calanka Liberia, waxayna toddobaadkii hore 4 milyan oo foos oo shidaal ceyriin ah ka soo qaadeen terminalka Juaymah oo ay leedahay shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco oo ku yaal bariga Sacuudiga ee xeebta Gacanka Carabta.