Sunday, September 13, 2026

Dalalka Khaliijka Oo Qaadaya Talaabo Dhabar-jabin ku ah Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Khaliijka ayaa Isniinta toddobaadka nagu soo aaddan magaalada Salalah ee dalka Cumaan kula kulmaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araqchi, sida uu maanta weriyey wargeyska Financial Times.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa heshiis ku-meel-gaar ah oo lagu fududeynayo maraakiibta inay maraan marinka Hormuz.

Waxay u muuqataa in dalalka Khaliijka, oo muddo dheer ku tiirsanaa Mareykanka, ay hadda dharbaaxadii ugu horreysay ku dhufanayaan xulafadooda muddada dheer ay ku tiirsanaayeen ee Mareykanka, iyagoo meesha ka saaraya saameyntii Mareykanka, halka dhinaca kalena ay qirayaan in Iiraan ay hadda usoo baxayso awood saameyn ku leh gobolka.

Sidoo kale, kulanka wuxuu dharbaaxo ku yahay Trump, oo ku celcelinaya in marinka Hormuz uu furan yahay, isla markaana uu diyaarinayo goobaha ay maraakiibta ganacsigu ka gudbaan. Balse taas waa been, ayay leeyihiin dalalka Khaliijka, oo Iiraan ku leh: “Haa, waan qirsannahay in Hormuz aad gacanta ku haysaan. Sidee shidaalka ka buuxsamay haamahaheenna uga gudbin karnaa?