Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa maanta booqasho ku tagay dalka Masar, isagoo wadahadallo uu la qaatay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ay goor dhow soo dhammaadeen, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Masar.
Kulanka, wuxuu soo muujiyay sida dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan u raadinayo in la mideeyo mowqifka Carabta,gaar ahaan Khaliijka iyo Masar ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen,ka dib markii Iiraan iyo Xuutiga ay dalalka galiyeen go’doon looga xiray marinada ay ka gudbayeen shidaalka, halka Sacuudiga oo burbur ka wajahay Yemen, uu sidoo kale weerarro joogto ah oo ka dhan ah ceelashiisa shidaalka kala kulmayo Xuutiyiinta Yemen.
Wada-hadallada Qaahira ka dhacay , waxaa lagu sheegay inay ku bilowdeen kulan gaar ah oo ay labada hoggaamiye yeesheen, kaddibna waxaa qabsoomay kulan wada-tashi ah oo ballaaran.
Intii uu kulanku socday, waxaa la sheegay in labada dhinac ay isku waafaqeen sidii ay si wadajir ah uga wada shaqeyn lahaayeen wax ka qabashada caqabadaha gobolka.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri:
Waxay carrabka ku adkeeyeen in amniga Sacuudiga iyo dalalka Khaliijku uu qayb muhiim ah ka yahay amniga qaranka Masar. Masarna waxay diiday wax kasta oo khatar gelinaya madax-bannaanida Sacuudiga, xasilloonidiisa, midnimada dhulkiisa ama xorriyadda maraakiibta iyo isu-socodka badda.
Madaxweynaha Sisi iyo Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga dhinaca amniga badda, gaar ahaan marinka Badda ee Hormuz, Baab al-Mandab iyo Badda Cas. Waxay sidoo kale ka wada hadleen xaaladda Yemen, arrinta Falastiin iyo Suudaan.
Masar iyo Sacuudiga waxay sidoo kale ku heshiiyeen in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan kordhinta ganacsiga iyo maalgashiga, lana sii xoojiyo xiriirka labada dal. Waxay sidoo kale isla garteen inay si toos ah oo joogto ah uga wada tashadaan xaaladaha iyo isbeddellada gobolka.
