Tuesday, September 15, 2026

Xuutiyiinta Yemen oo Qabsaday Jasiirad ay ku Muransanaayeen Eritrea iyo Yemen.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegay inay la wareegeen jasiiradda Haniish ee Badda Cas, taas oo hore muran dhuleed uga dhex jiray Eritrea iyo Yemen.

Wakaaladda AP ayaa sheegtay in Xuutiyiintu Axaddii qabsadeen jasiirado muhiim ah oo ku yaalla koonfurta Badda Cas, kadib markii ciidamada dowladda Yemen ee taageera Sacuudiga ay halkaas isaga baxeen.

Hadda, Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haya qaybo ka mid ah koonfurta Badda Cas iyo jasiiradaha u dhow xuduudda Jabuuti, kuwaas oo qiyaastii 32 kiiloomitir u jira saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuut