Toddobo Jabhadaha hubaysan ah ee ka dagaalama Itoobiya, islamarkaana ay ku jiraan xoogag ka kala socda Tigray, Amxaarada Fano iyo Oromada ayaa ku dhawaaqay inay samaysteen isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin in ay beddelaan ra’iisal wasaare Abiy Axmed.
Isbahaysiga oo lagu magacaabo: “Ethiopian Peoples’ Forces Coalition for Survival” ayaa sheegay inuu doonayo isbeddel siyaasaddeed iyo dhismaha dawlad ku-meel-gaadh ah.
Dhinaca kale Warbaahinta Tigreega ayaa baahisay war-saxaafed la sheegay in ay soo saaren 7 urur oo Mucaarad ah. Ururadan oo beryahan is-bahaysigoda la hadal hayay ayaa markii u horeysay hadlay, waxay sheegen in hanaankii Dowladnimo bur-buray oo ay aas-aasen Dowlad ku meelgaadh ah. Waxay sheegen in ay meesha ka saarayan Dowlada hada jirta ee Itoobiya.
Ururada isbahaysiga sameeyay waxaa kamid ah: TPLF, Fano, xisbiga oromada OLA, ONLF(Dhinaca Maadey) iyo sadex oo ka socda Canfarta, Benshangul iyo Gambela sida war-saxaafadedka lagu sheegay.
Isbahaysiga ma ridi karaan Abay Axmed.?
