Tuesday, September 22, 2026

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ee Dalalka Iran la Dariska ah Oo Bayaan Wada-jir ah soo Saaray.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Turkiga, Pakistan iyo Qadar ayaa bayaan wada-jir ah kasoo saaray xiisada Maraykanka iyo Iran u dhaxaysa markii ay maanta yeesheen kulan wadatashi ah, intii uu socday kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Bayaanka ayaa lagu muujiyay walaac laga qabo xiisadaha sii socda ee gobolka, waxaana lagu sheegay in diblomaasiyaddu tahay waddada lagu gaari karo “xalal waara.”

Wasiirrada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ixtiraamo is-afgaradkii Islamabad, si loo gaaro “nabad iyo xasillooni waarta.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay weerarrada lagu bartilmaameedsanayo Sacuudiga, oo ay ku jiraan weerarradii ugu dambeeyay ee Xuutiyiintu ku qaadeen dalka.