Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Calli Youssouf, ayaa walaac weyn ka muujiyay xiisadaha dib u soo cusboonaaday iyo sii kororka iska horimaadyada militari ee waqooyiga Itoobiya. Arrimahaas waxaa ka mid ah la wareegista iyo qabsashada garoomada diyaaradaha ee Mekelle, Axum iyo Shire, xarigga shaqaale ka tirsan dowladda federaalka oo ay TPLF qabatay, iyo carqaladaynta adeegyada duulimaadyada rayidka.
Guddoomiyaha Midowga Afrika, wuxuu sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay wararka sheegaya in colaadda ay sii kordhayso qaybo ka mid ah Koonfurta Tigray iyo gobolka Canfarta.
Wuxuu sheegay in arrimahaasi ay khatar ku yihiin inay xaaladda sii xumeeyaan oo ay dib u dhigaan horumarkii laga gaaray joojinta dagaallada, tan iyo 2020-kii.
Guddoomiyaha AUC wuxuu mar kale xaqiijiyay in Heshiiska Nabadda Waarta ee ku salaysan Joojinta Joogtada ah ee Colaadda, kaas oo dowladda Itoobiya iyo TPLF ku kala saxiixdeen Pretoria 2-dii Nofeembar 2022, iyadoo Midowga Afrika uu garwadeen ka ahaa, uu weli yahay tiirka ugu muhiimsan ee nabad waarta, xasillooni iyo dib-u-heshiisiin looga hirgelin karo Itoobiya.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in la wareegista iyo qabsashada garoomada diyaaradaha rayidka ah ee Mekelle, Axum iyo Shire ee ciidamada Tigray ay ka hor imaanayaan ballanqaadyadii iyo waajibaadyadii ku xusnaa Heshiiska Pretoria, isla markaana ay khatar ku yihiin guulihii adkaa ee laga gaaray dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta.
Guddoomiyahu wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn buuxda, isla markaana si degdeg ah loo joojiyo dhammaan tallaabooyinka sii kordhin kara xiisadda. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in wada-hadallada tooska ah dib loo bilaabo iyada oo aan dib loo dhigin, iyadoo lagu salaynayo Heshiiska Pretoria.
Waxaa kale oo guddoomiyuhu ugu baaqay ugu baaqay dhammaan dalalka deriska la ah Itoobiya inay ka fogaadaan tallaabooyin sii kordhin kara xiisadda, isla markaana ay si firfircoon uga shaqeeyaan dejinta xaaladda, wada-hadalka iyo dhisidda kalsoonida.
Iyadoo Midowga Afrika uu doonayo inuu ilaaliyo guulihii ka badan saddexda sano ee laga gaaray Heshiiska Pretoria, isla markaana uu horumariyo ajendaha “Aamusinta Hubka”, Guddoomiyaha AUC wuxuu codsaday Mudane Olusegun Obasanjo, madaxweynihii hore ee Nigeria ahna Wakiilka Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, inuu si degdeg ah ula xiriiro dhinacyada, isla markaana taageero dadaallo diblomaasiyadeed oo cusub oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda, lagu dhiirrigeliyo wada-hadalka, laguna ilaaliyo geeddi-socodka nabadda.
