Bannaanbax ballaaran ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo shacabka, siyaasiyiin, waxgarad iyo masuuliyiin ka qeyb galay ay muujiyeen walaac iyo diidmo ku aaddan hannaanka loo qorsheeyay doorashada maamulka HirShabelle.
Bannaanbaxa ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Beledweyne ka socdeen kulamo iyo wadatashiyo siyaasadeed oo ay lahaayeen siyaasiyiin iyo waxgaradka gobolka Hiiraan, kuwaas oo si cad uga soo horjeestay in doorasho laga qabto gobolka iyadoo aan marka hore la gaarin heshiis siyaasadeed oo ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.
Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xiirey Axmed Rooble, oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee gobolka, ayaa sheegay in aan la duudsiin karin xuquuqda dadka reer Hiiraan, isagoo xusay in siyaasiyiinta iyo waxgaradka ay u joogaan sidii ay u difaaci lahaayeen waxa ay ku tilmaameen xuquuqda iyo matalaadda reer Hiiraan.
Xiirey ayaa sidoo kale sheegay in jiilka mustaqbalka ee reer Hiiraan ay tahay in loo abuuro door ku filan oo ay ku yeeshaan maamulka HirShabelle, isaga oo ku adkeystay in aan la aqbali karin hannaan siyaasadeed oo bulshada deegaanka laga saaro ama aan laga qaybgelin.
Qaar ka mid ah dadka bannaanbaxa ka qeyb galay ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan mowqifkooda ku aaddan doorashada, iyagoo sheegay in aysan taageersanayn doorasho aan heshiis lagu ahayn.
Haweeney ka hadashay bannaanbaxa ayaa sheegtay in dadka reer Hiiraan ay doonayaan in xuquuqdooda la tixgeliyo, iyadoo si gaar ah u sheegtay inaysan raalli ka ahayn habka doorashada ee hadda la qorsheeyay.
“Reer Hiiraan waa mid, xaqoodana waa in ay helaan. Doorasho online ahna dooni mayno,” ayay tiri haweeneyda oo ka mid ahayd dadkii goobta ka hadlay.
Bannaanbaxa waxaa sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay isu soo baxa.
Xildhibaan Raaxeeye ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo dhinacyada ku lugta leh arrinta HirShabelle ay isku aragti ka yihiin baahida loo qabo in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee maamulka.
Isagoo ka hadlayay mustaqbalka HirShabelle, ayuu yiri: “Waxaan heshiis ku nahay in maamulkaas la qaybiyo. Haddii la qaybin waayo, mid kale ayaan sameyneynaa.”
Sidoo kale, xildhibaan Gurey ayaa goobta ka sheegay hadal si toos ah loogu duray madaxda dowladda, isagoo yiri: “Madaxweyne, haddii aad na diidday, annagana waan ku diidnay.”
Xiisadda siyaasadeed ayaa sii xoogeysatay tan iyo markii la shaaciyay qorshaha doorashada HirShabelle, iyo in Xisbiga uu Hogaamiye Madaxweyne Xasan Sheekh ay mar kale xilka madaxweyne ee Hirshabeelle la doonayaan Cali Guudlaawe.
Bannaanbaxyada maanta ka dhacay Beledweyne ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay xulashada hogaanka HirShabelle, iyadoo weli aan la ogeyn in dhinacyada isku haya ay gaari doonaan heshiis ka hor waqtiga loo qorsheeyay doorashada.
